Berbera-19,November,2011-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta beri ee bishu tahay 20,November, 2011 safar ugu xadhlo xidhan inuu ku tago magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Magaalada Berbera iyo tuullooyinka u dhexeeya jidka Berbera iyo Hargeya, ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Guddoomiye Muuse Biixi iyo wefti ka tirsan KULMIYE, kuwaasoo wararka aanu ka helaynaa safarkooda la xidhiidhinayaan mid uu xisbiga KULMIYE doonayo inuu ugu sii gogol xaadhayo sidii aan ururada cusub u fadhataysan lahayn taageerayaashiisa hore ee uga hiiliyay xisbiyadii loolanku dhexmaray doorashadii madaxtooyadda ee guusha u horseeday.
Wararku waxay intaa ku dareen in weftiga xisbiga KULMIYE Berbera uga sii gudbi doonaan magaalada Burco iyo Oodweyne, iyagoo mudada ay safarkooda ku gudo-jiraan khudbado u jeedin doona taageerayaashooda gobollada, dib u habayna ku sammayn doona xafiisyada xisbiga.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu marka ay soo dhammaystaan safarka Gobollada Togdheer, Saaxil iyo Oodweyne waxa la sheegay inay u gudbi doonaan gobollada Galbeedka Somaliland sida Boorame, Gabiley iyo Wajaale.
Tallaabada uu xilligan fadhiga kaga kacay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa u muuqata mid ka dhalatay dhaqdhaqaaqyada ururada cusub ee taageeradooda iyo cududooduba sii xoogaysanayso, kuna fidaysa gobollada kala duwan ee Somaliland, sidaa daraadeedna uu Muuse Biixi kabaha u xidhay inuu ilaashado taageerayaashii xisbigu lahaa, si aanay u noqon qaar ay bililiqaystaan ururada curdinka ahi.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com