Muddaharaadyo waaweyn oo laga abaabulayo Awdal iyo Selal, Wefti Xukuumadda ka socda oo Boorama ku sugan iyo waxa laga filayo

Hargeysa, 19 November, 2011 (  Ogaal)- Muddaharaadyo waaweyn ayaa la sheegay in laga abaabulayo gobollada Awdal iyo Selal, gaar ahaan magaalo-madax-yada labadaa gobo lee Boorama iyo Saylac iyo sidoo kale degmooyinka kala duwan ee hoos-taga, iyada oo Wefti culus oo dawladda Somaliland ka socdaana safar shaqo ku joogaan magaalada Boorame.

Muddahayaraadyada ayaa la sheegay in maalmaha toddobaadkan si weyn looga dhigi doono gobolladaas, isla markaana bannaanbaxyo dhegay faray ah ay dadweynaha deegaannadaasi isugu soo bixi doonaan, isla markaana ku muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan Koox dhalasho ahaan gobolladaas ka soo jeeda oo la sheegay inay dhawaan Qurbaha kaga dhawaaqeen wax ay ugu yeedheen Awdal State oo ay sheegeen inuu yahay maamul ka go’aya Somaliland.

 Weftiga dawladda Somaliland ka socda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Weftigaas waxa xubno ka ah Wasiirka Dib-u-dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka ee Wakiilladda iyo Guurtida, Agaasimeyaal guud iyo Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha dawliga ah oo dhammaantoodba ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Selal.

Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Ismaaciil Muumin Aare oo Jimcihii shalay Saxaafadda uga warramay ujeeddada socdaalkooda, ayaa sheegay in socdaalkoodu uu qeyb ka yahay kormeerro joogto ah oo ay Xukuumaddu ku tagto gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland. Wasiirku wuxuu sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo xog-ogaal u noqoshada xaaladda guud ee gobollada Awdal iyo Selal.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in muddada ay joogaan gobolladaasi ay socdaallo ku tagi doonaan degmooyinka Awdal iyo Selal. Wasiirka Hawlaha guud waxa uu intaasi ku daray inay kulammo la yeelan doono Maamulka gobollada, degmooyinka, madax-dhaqmeedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir Ismaaciil Muumin Aare, waxa uu sheegay inay dadweynaha gobolka Awdal kala hadlayaan sidii ay u taageeri lahaayeen Qaddiyadda Qarannimada iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay isaga fogayn lahaayeen hadaaqa ka soo yeedhaya Koox Qurbo-joog ah oo ka soo jeedda gobolka Awdal.

Muddada ay Masuuliyiintan dawladda ka socdaa ku sugan yihii gobolladaas ayaa la filayaa inay dadweynaha deegaannadaasi muddaharaadyo cul-culus oo aan loo kala hadhin yar iyo weyn inay isugu soo baxaan kuwaas oo ay ku muujin doonaan sida ay ugu dheggan yihiin Somalilandnimada, isla markaana uga soo horjeedaan wax kasta oo lid ku ah qaddiyadda,Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 Xigasho Wargeyska Ogaal.