Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo bilaabaysa mashruuc Gabdhaha danyarta ah tacliinta lagaga caawinayo

Hargeysa-(Berberanews)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 20-ka bishan November oo Berri ku beegan bilaabaysa mashruuc cusub iyo qorshe lacagta lagaga daynayo Gabdhaha danyarta ah ee waxbarashda daneeya, hase ahaatee duruufo dhaqaale u saamixi waayeen inay goobaha waxbarashada tagaan ama awoodi waayey inay waxbarashadooda sii wataan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lacagaha Dugsiyada illaa heer Jaamacadeed lagaga dhaafayo Gabdhaha Ardayda ah ee danyarta ah ee aan awoodin inay lacag iska bixiyaan.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sidaa ku sheegtay Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabatay xafiiskeeda xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay hirgelinayaan mashruuc cusub oo wax lagaga qabanayo horumarinta waxbarashada hablaha danyarta ah ee u dhashay Somaliland.

Wasiirku waxay tilmaantay in mashruucaas codsiyadiisa la bilaabayo maanta oo bishu ku beegan tahay 20-ka November. Waxa kale oo ay wasiirku xustay in lixda gobolba laga bilaabayo, isla markaana waxay ugu baaqday cidkasta oo danaynaysaa inay la soo xidhiidhaan Wasaarada Waxbarshada.

“Mashruuc ay iska kaashadeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo EU, kaasoo loogu talogalay in laga bixiyo lacagta dugsiyada ardayda hablaha ah ee waalidkood awoodi kari waayo inay waxbarashada ka bixiyaan sabab kasta ha ahaatee, mashruucaas oo muddo laga soo shaqaynayay, laakiin imika lacagtiisii diyaar tahay, waxa la doonayaa in ciddii u baahan codsiyadooda 20-ka bishan ayaa laga qabanayaa, waxaanu ka bilaabmayaa gobollada dalka oo dhan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo Hablaha danyarta ah la hadlaysaa waxay tidhi; “Inanta ardayada ah ee waxbarshada ku wanaagsan, ee aan awooddayn dhaqaale ahaan inay waxbarashada sii wadato ama dhibaatooyin kale oo dhaqaale la darsaan, waxaanu u sheegaynaa in lixda gobolba laga bilaabayo bari (maanta), mashruucani kuma koobna oo keliya jaamacadaha, waa ilaa ulada qofka dirayska loo iibin kari waayo, waayo dugsiyada hoose dhexe waa bilaash, laakiin ilmaha dharka iskuulka loo iibin kari waayo ama nusasaacaha ay dhibaato ka haysato, carruurta reer miyiga ah ayaa ku jira.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.