“Gabboose markaad u halgamaysay iyada oo aan sharciyaddii loo oggolaan oo Baarlamaan ansixin oo Madaxweynihii wakhtigaa jiray diiday inay furaan ayaad fagaarayaasha urur kaga dhawaaqday…” Ismaaciil-yare
“Wuxu illaa immikana ururrada la furay uga hinaasisan yahay inay Xafiisyo furteen.. waxaan u arkaa arrin qalad ah oo uu isagu ka gaabiyey. Hadday cidi sharci jabisayna Gabboosaa jabiyey..” Ismaaciil-yare
“Waxaan anigu xaqiijinayaa Walaalkay Ismaaciil inay aad iyo aad isagaga qaldan tahay qaabka dariiqa loo marayo diiwaangelinta.” Dr. Gabboose “Waxaan ka codsanayaa Guddoomiyaha Wakiillada oo xurmo iga mudan in qodobka 4-aad farqaddiisa 1-aad Ummadda Somaliland uu maqashiiyo sida ay u qoran tahay..” Dr. Gabboose..
Hargeysa, 21 November, 2011 (Ogaal)- Guddoomiyayaasha Ku-meel-gaadhka ah ee Ururrada Dalsan, Wadani iyo Rays Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Xasan Maxamed Cali (Xasan-Goofaadhi) iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo aan weli isagu urur ku dhawaaqin, ayaa dood adag ka yeeshay sharci-nimada dhaq-dhaqaaqa olole iyo Xafiis furasho ee ay samaynayaan Ururrada Siyaasadda ee dhawaan dalka Somaliland lagaga dhawaaqay.
Doodda siyaasiyiinta kor ku xusan dhex-martay oo ahayd mid xasaasi ah, isla markaana uu daaddihiye ka yahay Weriye Khadar Maxamed Cakulle oo xalay qayb kooban ooh or-dhac ah laga siidaayey TV-ga Qaranka, ayaa xubnaha qaar ay si aad ah isugu murux-sadeen, gaar ahaan Dr. Gabboose iyo Ismaaciil-yare.
“Ururradii siyaasadda waa la furay oo maantaba adiguba waadigaa doonaya inaad urur ku dhawaaqdo. Markaa, sharciyaddu way furaysaa oo Xafiisyada xaqbaa loo leeyahay in la furto, markaa annagu iyaga oo sharci ah baannu furannay baan leeyahay Gabboose’e. Gabboose markaad u halgamaysay iyada oo aan sharciyaddii loo oggolaan oo aan Baarlamaan ansixin oo Madaxweynihii wakhtigaa jiray diiday inay furaan ayaad fagaarayaasha isa soo taagtay oo aad urur ku dhawaaqday, kolkaasaad goob walba ka khudbadaynaysay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), oo u muuqday markaa mid si kulul ugu jawaabaya Dr. Gabboose.
Ismaaciil-yare oo hadalkiisa sii watay waxa uu ku dooday inay sharci u leeyihiin inay Xafiisyo furtaan Ururrada cusub ee siyaasaddu intaan la xaqiijin urur-nimdooda ka hor, waxaanu ku dooday oo yidhi; “Markaa, annagu hadday sharciyaddi jirto waxaannu u aragnaa inuu Gabboose jabiyey. Maanta, waddankan iyada oo la oggolaaday wuxu ula raagay Ururkii inuu ku dhawaaqo, wuxu illaa immikana ururradii kale ee la furay uga hinaasisan yahay oo uu yidhaahdo Xafiisyey furteen oo sharcigaa u diiddan, waxaan u arkaa arrin qalad ah oo uu isagu ka gaabiyey.”
Hase-yeeshee, markay halkaa marayso, waxa doodda la wareegay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo sida uu Ismaaciil-yare sheegtay iyada oo aan ururrada la oggoleyn ku dhawaaqay Urur-siyaasadeed uu ugu yeedhay Qaran, kaasoo ay isaga iyo xubno Ururkaas ku weheliyey ay xadhig u mutaysteen wakhtigii Maamulkii Daahir Rayaale. Haddaba, Gabboose waxa uu dooddiisa ku qeexay shuruucda doorashada iyo curinta ururrada siyaasadda ee Somaliland isaga oo la hadlaya Ismaaciil-yare. Waxaanu Gabboose ku bilaabay hadalkiisa oo uu yidhi; “Inta Guddoomiyaha sharciga isagu saxeexay aanad siin, waxaan anigu xaqiijinayaa Walaalkay Ismaaciil inay aad iyo aad isagaga qaldan tahay qaabka dariiqa loo marayo diiwaangelinta. Qaabka loo marayo diiwaangelintu waa lab weji, wejiga koobaad baa lagu bixinayaa aqoonsiga, wejiga labaadna hawlgal baad qabanaysaayoo waxa lagu bixinayaa sidii Komishanka laguugu diri lahaa inaad tartanka ka qaybgasho. Markaa, wejiga koobaad Xafiis, Shir iyo kun qof midna maaha ee taasi waa wejiga labaad.”
“Marka hore waxa lagaa rabaa boqol iyo konton Milyan oo Somaliland ah, waxa lagaa rabaa Liiska aasaasayaashaada, waxa lagaa rabaa Guddoomiyaha, Fulinta iyo waxyaabo kale. Intaa marka lagu siiyo markay dhammaato muddada qabashada araajidu waxa la hubinayaa cidda buuxisay intaas, ka dibna waxa la siinayaa oggolaanshihii uu ku biirin lahaa inta kale. Markaa, shaqada uu hadda bilaabay waa sax oo waa la oggol yahay, laakiin waxa la oggol yahay marka Liisanka dalka la siiyo, waayo? Urur aan sharci ka ahayn dalkaba sharci ka ahayni inuu hawlgalo maaha.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo aan isagu illaa hadda ku dhawaaqin wax urur-siyaasadeed ah, inkasta oo dhawr bilood ka hor oo uu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda talada haysa ee Wasiirka arrimaha gudaha uu sheegay inuu ku dhawaaqayo Urur-siyaasadeed, haddana wali lagama hayo. Waxaanu Gabboose oo dooddiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Wuxu yidhi (Ismaaciil), Madaxweynaha ayaa sharciyeeyey, Madaxweynuhu sharciga guud buu ansixiyey oo uu oggolaaday, laakiin Xeerka fulintiisa cid kale ayaa iska leh, dad kalaa qabanaya. Gaadhiga marka la wadayo Madaxweynuhu wuxuu odhanayaa Muwaaddin kastaa Gaadhi wuu wadi karaa. Laakiin, qaabka loo wadayo, cidda Imtixaanka ka qaadaysa iyo Liisanka la siinayo Hay’ado ayaa leh ee Madaxweynaha tiisa laguma dhaqayo oo isagu Xeer buu gudbiyey. Sidaana waydun arki ee waxaan leeyahay qodobka 5-aad ee Xeerka akhriya waa wejiga labaad marka ururka la siinayo Liisanka dhaq-dhaqaaq, waayo waa Urur qof leeyahay, Astaan-buu wataa, immika astaanta suuqa dhexmaraysa yaa sharciyeeyey.”
Intaa ka dib, waxa doodda la wareegay Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, oo isaga Dr. Gabboose wax ka saaray is-daba-marinta sharciga iyo qaabka uu u sharraxay qodobbo uu soo qaatay. Balse Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu dooddiisa ku yidhi; “Dr. Gabboose wuu mahadsan yahay, waxaanannu jecel-nahay kollayba inu nagu soo biiro oo uu soo dedejiyo ku dhawaaqista Urur-siyaasdeedkiisa. Ta labaad, horto sharcigu waakan I horyaalla oo qodobka 4-aad farqaddiisa B, waxa uu sheegayaa in Ururku uu ku samaysmayo ama uu ku sharciyoobayo marka uu qabto shirka lagu aasaasayo Ururka.” “Marka la aasaasayaa waxa weeye markaynu isu nimaadno shanteennani ee aynu ku heshiinno inaynu urur samayno, qodobka ugu horreeya ee uu ku unkamayo aasaasku ee uu Urur-siyaasadeed ku noqonayaa ee shuruudda koobaad ah ee diiwaangelinta lagu qabtaa waxa weeye, shirkiinnii u horreeyey ee ururka lagu aasaasay, goobtii lagu qabtay, wakhtigii la qabtay iyo ciddii aasaastay.” Sidaa ayuu dooddiisa ku yidhi Guddoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan-Cirro.
Intaa markii uu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro, waxa mar kale doodda ku soo laabtay Dr. Gabboose, oo la hadlaya Cabdiraxmaan-Cirro, oo uu muujinayo inaanu qodobbada sharciga arrinan Ururrada ku saabsan isku akhriyin, balse uu dhinac isaga u sahlan kaga horreeyey. Waxaanu Gabboose yidhi; “Waxaan kaa codsanayaa oo aad barnaamijka ku xidho Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan oo xurmo iga mudan in qodobka 4-aad farqaddiisa 1-aad Ummadda Somaliland uu maqashiiyo sida ay u qoran tahay..” intaasuu kaga baxay Gabboose.
Waxaana mar kale ku soo laabtay Cabdiraxmaan-Cirro oo u muuqday nin is-dhaafinaya su’aasha codsiga ah ee Dr. Gabboose, waxaanu Cirro oo Gabboose sii jara-raacayaa yidhi; “Horto labadaba inaynu isla akhrino ayey ahayd, laakiin Dhakhtarku mid uun buu soo akhriyey, waxay-se aniga ila tahay malaa Dhakhtarku wuu nooga xog-ogaalsan yahay oo aad buu ugu celceliyey, Guddiga diiwaangelintu siday tidhi, Guddigu…Guddigu….”
Sidoo kale, waxa doodda soo galay Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Xasan-gaafaadhi), oo u muuqda marka laga hadlayo dhinaca sharciyadda Ururrada siyaasadda inay isku aragti ka yihiin Dr. Gabboose, waxa uu isaguna ku dooday inay qodobbada Xeerka doorashada ee Golaha Wakiilladu dhawaan wax ka beddalka iyo kaabista ku sameeyey inay iyagu iska hor-imanayaan. Isla markaana waxa uu ka codsaday Guddoomiyaha Ururka Wadani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro in dib u eegis lagu sameeyo. “Kale markaad u tagto shirweyne in la qabto ayaa ku yaalla qodobkaa kale haddii la akhriyo, markaa Guddoomiyaha waxaan ka codsan lahaa oo leeyahay, adiga oo Guddoomiyihii Wakiillada ah in dib loo eego Xeerkan, waayo? Mishkilad baa halkan iman karta, oo marka la soo daayo ee ururka loo ansixiyo inuu urur ku-meel-gaadh ah yahay, waxa ku taalla inuu markaa qabsado shirweynihiisa. Shirweynuhuna waa ka golaha dhexe lagu soo dooranayo, markaa labadii-baa isku way isku gawracan yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Rays Xasan-Goofaadhi.
Xigasho Wargeyska Ogaal.