Dubai-(Berberanews)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku biirtay dalalka taageeray howlgalka ay Ciidammada Kenya ka wadaan Koonfurta Soomaaliya ka dib booqasho uu dalkaas ku tagay Madaxweyaha Kenya Mwai Kibaki.
Xukuumadda Kenya ayaa waxay galaangal ugu jirtay tan iyo markii ay ciidammadeedu geleen Koonfurta dalka Soomaaliya sidii ay taageero uga heli lahayd beesha caalamka, waxaana dhawaan ay sheegeen inay taageero ka raadinayaan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.
Hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay Kenya ka taageerayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo awood badan ku leh Koonfurta Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo howlgalkaas.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore u taageertay dagaallada ay DKMG ah iyo AMISOM kula jiraan Al-shabaab, waxaanay noqonaysaa dowladdii ugu horreysay oo Islaam ah ee taageerta howlgalka Kenya ay kawaddo Soomaaliya.
Madaxewynaha Kenya ayaa sheegay in howgalka ay kawadaan Koonfurta Soomaaliya uu yahay mid ay ku doonayaan inay meesha kaga saaraan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay falal ammaan-darro oo ka dhacay gudaha Kenya.
Malleeshiyada Al-shabaab ayaa hore ugaga digtay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka inay taageeraan howlgalka ay Kenya ka waddo Koonfurta Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaallamaan Ciidammada Kenya.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.