Hargeysa (Berberanews)- Wasiirkii hore ee daakhiliga, haatanna ah guddoomiyaha ku-meel-gaadhka urur-siyaasadeedka cusub ee DALSAN Mr. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa si kulul u weeraray labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay weli hortaagan ihiin siyaasiyiin hore ugu fashilmay hoggaaminta dalka iyo qaar shacabka reer Somaliland dooran waayeen.
Sidaa waxa uu ku sheegay Ismaaciil-yare waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya siiyey shalay, waxa kaloo uu ku dhaliilay hoggaamiyeyaasha xisbul-xaakimta KULMIYE oo uu iyagana ku eedeeyey dhibaatooyin ay geysteen waqtigii halgankii dib-u-xorayntu socday.
Waraysigaas oo uu Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka DALSAN kaga hadlay arrimo kala duwan oo aad u xiiso badan waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Golaha Guurtidu waxay ansixiyeen Xeer No. 20 oo dhallinyarada ka horqaadaya dabarkii siyaasadeed ee ka hortaagna hoggaanka iyo talada dalka, door iyo saami intee leeg ayey dhallinyaradu ka qaadanayaan xisbigiina DALSAN doorashada golaha degaanka ee inagu soo fool leh?
Ismaaciil Yare: Aad iyo aad baan marka hore Golaha Guurtida ugu mahadnaqayaa hadday ansixiyeen xeerkii horyaalay ee ahaa in dhallinyaradu 25 jir kaga qaybqaadan karto in ninka golaha degaanka ah isaga la soo dooranayo oo qof walba astaan loo samaynayo sidii Golaha Wakiillada loo soo doortay, waana taannu filaynay, waayo waxaannu ka cararaynay liiskii 1, 2, 3-ga ee dadku kaaga cararaayeen hebel iyo hebel oo reer hebel ah ayaad xagga hore ku qortay, markaa in qofkii la soo doorto oo uu noqdo mid codkiisa wax ku hela amma ku waaya.
Ta kale ee da’da 25 jir iyo wixii ka waynba waa loo baahnaa, inkastoo aan anigu ahaa dadkii had iyo jeer lahaa 30 jirka iyo wixii ka sarreeya ha lagaga qaybqaato, sababta oo ah waxay heli lahaayeen markay jaamacadaha dhammeeyaan khibrad. Haseyeeshee, marka horeba ururkani waxa uu u samaysmay in dhallinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxday ee muddada dheer dibadaha taagnaa camal loo sameeyo aad iyo aad baannu u soo dhawaynaynaa arrintaas Golaha Guurtidu ansixiyeen, xisbigayaguna door muhiim ah ayey dhallinyaradu ka qaadanayaan.
Jamhuuriya: Xisbiyada mucaaridku waxay urur-siyaasadeedyada cusub ku eedeeyeen in ay yihiin ururro qabiil, isla markaana Qaramada Midoobay ka dambayso, maalgelinna ku bixisay sidii ay Somaliland khalkhal siyaasadeed u gelin lahaayeen, maxaad kaga jawaabaysaa arrintaas?
Ismaaciil-yare: Ururrada cusub ee ururkayagu ka mid yahay meel Qaramada Midoobay kaga dambeeyaan ma jirto, wax alle wax ka khuseeya ururrada Somalilandna ma jiraan, waxaanay ku socdaan sharciyadii barlamaankeennu ansixiyey ee waqtigii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah ha u naxariistee oo ay ku qornay in golayaasha degaanka shantii sannaba mar ururro u tartamaan, asxaabtii hore ee jirtayna noqonayaan xisbiyo qaran oon waxba laga beddelin, tartankana kala qaybgalayaan, dabadeedna ururrada ku soo baxaa ay noqon doonaan xisbiyo qaran.
In badan baa dadku u oomanaa in la furo ururro siyaasadeed, marxalado badan baanay soo martay, waxaanuna ugu mahad-naqaynaa madaxweyne Siilaanyo oo oggolaaday in ururrada la furto.
Labada xisbi ee UDUB iyo UCID-na waa hal bacaad lagu lisay, waayo waxay ogyihiin in aanay soo baxayn. Waxa kale oo ay ogyihiin halka ay maanta dadka ka taagan yihiin, markaa taas ayaa kelliftay inay ururradii cusbaa eedeeyaan oo yidhaahdaan nabadgelyo-darraa dhacaysa, waxaanan leeyahay nabadgelyo darrana ma dhacayso.
Jamhuuriya: Waxay mucaaridku sheegeen in ururrada cusub yihiin qabiil oo dalka lagu qaybqaybinayo?
Ismaaciil Yare: Ma jiro urur qabiil la yidhaa, haddii uu jirana maaha mid tartan ku guulaysanaya, qabiil iyo qaranna way kala duwan yihiin oo si qaran baa loo tartamaya, urur kastaana waa in uu bari ilaa galbeed dalka oo dhan ku yeesho taageerayaashiisa, hadduu qabiil noqdana waxba ma helaayo.
UDUB iyo UCID madasha ha yimaaddaan waxay isla hayaanna ha keenaan oo xaska ay dabada gelinayaan ha iska dayaan, waxan (doorashada) ay leeyihiin dib ha loo dhigana ha iska dayaan. Komishanka Doorashooyinka waxaannu leenahay dib ha u dhigina, waqtigii loogu talogalayna ha ku dhacdo doorashadu, inkasta oo ay ururrada cusub cidhiidhi ku tahay, haddana waa muhiim oo diyaar baannu u nahay ee waa in la qabto doorasho.
Eedaha mucaridku noo jeedinayaan wax alle wax ka jira ma jirto, waayo waxay ka baqayaan oo ay arkayaan in aan cidba u soo jeedin oo waxay ogyihiin siduu nidaamkoodu yahay, wax isbeddel ah oo xisbiyadaa gudahooda ka dhacayna ilaa hadda ma jiro oo UDUB-na intii shalay lahayd cid nala tartamaysaa ma jirto ee Rayaale-na ku lug-goysay cid kula tartamaysaa ma jirto intii uunbaa maantana hor joogta oo leh waxbaannu hoggaaminaynaa oo UDUB Axmed Yuusuf Yaasiinkii uunba wali hor jooga oo horeba wax u waayey, maantana waxba ma keeni karayo. Faysal Cali-waraabena labadii jeerba wuu waayey; waa nin aannu saaxiib nahay, iminkana maxkamad baa ku xukuntay inuu shirweyne qabto, waxaanuna leenahay ku soo dhawaw oo dadka shirweyne u qabo, xisbigana cid ku wareeji sidan wuu ku baabayaaye, keligaa baad socotaaye, iskana daa garabkan aad leedahay UCID iyo UDUB baannu nahay ummaddu way garanaysaa oo wax badan bay fahamsan yihiin.
Ummaddu isbeddel bay u baahan tahay, waxaanay la jaanqadayaan ururrada cusub, waxaanay u baahan yihiin waxqabad iyo horumar, shacabkana waxaan leeyahay nabadgelyadiina ilaashada, kuwa beenta sheegaya ee leh nabadgelyo darra dhacaysa waad ogtihiinnoo waa xisbiyadii qaranka, wax allaale wax dhacayaana ma jiraan, tartan xalaal ahna u soo diyaargarooba.
Marka xisbiyadu leeyihiin dib haloo dhigo doorashada malaha dib ayeydun u dhismi doontaan ayey isleeyihiin, dhismi maysaane magacu halkii uun buu yaal, haddii xisbi qaran dhibaato wada iyo hadday ururradu wadaan Ilaahayba ka qabanaya ummadda oo Ilaahay dhibtay soo mareen cawil-celin buu siiyey, ciddii dhibaato wadaana iyada kaligeedbay ku koobnaynaysaa, annaguna dhibaato ma wadno urur kale oo wadana ma arag, urur reer hebel baannu nahay lehna maan arag.
Jamhuuriya: Urur-siyaasadeedka DALSAN ee aad hoggaaminayso muxuu kaga gedisan yahay xisbiyadii hore ee jiray amma ururrada siyaasadda cusub ee samaysmay?
Ismaaciil-yar: Taas iminka ka hordhici maayo, waxaanan uga hordhacayn ololihii oo aan weli bilaabmin. Annagoo ka faa’iidaysanayna khaladaadkii xisbiyada siyaasadeed ee hore, waxa jira khibrado fara badan oo ay xambaarsan yihiin masuuliyiinta ururka DALSAN, wax fara badan baanuna kaga duwan yahay, waxaanuna sheegi doonaa.
Jamhuuriya: Waqtigii aad ahayd Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa jiray dad ku dooda in aad waqtigaas ku kacday tacadiyo amma khaladaad, sidaa darteed maxaad doonaysaa inaad maanta ummadda la hortagto?
Ismaaciil-yare: Horta qolada KULMIYE ayaan qayladaa ka maqli jiray xilligii aan wasiirka ahaa, iyagana waata waqtigan lagu hayo qayladii oo nin walba dhiilka uu dhaansado ayuun buu cabbaa. Haddii maanta KULMIYE cod soo dhigto ma qaba in uu 10% helayo, arrintaasina eed aan jirin ayey ahayd, shacabkana nabadgelyo uun baan uga shaqaynayey, iyaga ayuun baydun weydiin doontaa sidaan ugu soo jeeday ee aan ugu shaqaynayey bulshada ayaa i qiimaynaysa ee anigu isqiimayn maayo. Ciddii leh tacadi baa la igu sameeyey warbaahinta ha timaad.
Ta kale, marka qofku masuul yahay ee uu shaqaynayo khalad wuu ka dhici karaa; bal masuuliyiinta KULMIYE ee yaacaysa ee ilaa halgankii ku soo jirtay inta dhibaato ee ay soo gaysteen hadday dil tahay, xadhig tahay iyo hadday dhibaato kale tahay,, ma jiro nin masuul ah oo intuu isa soo taago yidhaa ummaddu ha i saamaxdo wixii ay ii tirsanayso ee aan ku khaldama qof bashar ah oo khaldamay baan ahaye bal ka soo hela? Iyagaa isla wada toosan oo iyaga isla saxan, lagamana soo helayo. Anigu waxaan ahay ninkii wasiirka ahaa intii aan u shaqaynaayey ciddii khalad iga tirsanaysa qarannimada uun baan ugu shaqaynaayey ee cid aan kibir iyo badheen in aan ku jiidho ugu talogalay ma jirto. Intaad shaqada hayso way dhici kartaa in aad cid jiidho oo dhibaato kaga dhacdo adiga oo shaqadii qaranka wada oo aan ugu talogalin in aad waxyeelayso. Dhibaatooyinka noocaas ah ciddii tirsanaysay waxaan idhi raalli ha la iga ahaado, ha la i saamaxo oo ha la iga cafiyo, kii ku qanci waayana waxaan idhi diyaar baan u ahay aniga oo aan wasiir ahayn.
Qaar baa i joojiyey oo i waydiiyey aniga oo suuqa maraya, waanan qanciyey.
Waqtigan bilayska nabadgelyada ilaaliya ee ugu xoog roon ee SPU anigaa magaca u bixiyey oo aasaasay, Birmadka ayaanay ka mid ahaayeen, shaqada iyo tababarkaba anigaa UNDP-da ug dhammeeyey iyo hawlahooda, waxaanan ugu talogalanay in ay la-dagaalamaan argagixisa, inay ilaaliyaan hay’adaha caalamiga ah iyo madaxda.
KULMIYE wuxuu nagu eedayn jiray waqtigaas in ciidan SPU la yidhaa iyaga loo samaystay si loogu weeraro, markaa maanta waxaan waydiinaya ma idin kaanu idiin samaysanay, mise qarankaannu u samaynay, maantaba waa kuwa idin ilaalinaya oo hawl kasta qabanaye oo dhakhtarkii jajabka markii cid kale ka saari wayday dadka idiinka saaray, marka Siilaanyo laga reebo KULMIYE inta kale durbaanadii ay garacaayeen bal maanta eg ta u taal dhiishii ay dhaansadeen. Tii uun baa u taal oo ay ka cabayaan, intii aan joogay wixii hawlgal dhacayna Ilaahay wuu igu guuleeyey.
Markii aan ka dhaadhacay waatii aad ogaydeen ee madaxtooyada, safaaraddii Itoobiya iyo UNDP-da la qarxiyey ee maanta cid allaale cid lagu sheego aan la garanayn, shaqadaasina sidaasay ahayd cidna eed kagamaan gelin.
Jamhuuriya: Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo aad isku degaan ka soo jeedaan, saamayn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa inuu soo baxo urur-siyaasadeedka aad hoggaaminayso?
Ismaaciil-yare: Aniga iyo Muuse Biixi dadka ayaa na kala dooranaya, meeshana qabiil la iskuma dooranayo oo laba walaalo ah oo hooyo wada dhashay ayaa tartan wada gala,; innan iyo aabbihii baa kursiga isku qabsada oo isku inqilaaba, taasina wax dhibaato ah ma laha oo waa kursi loo tartamayo.
Dadka waxaan leeyahay waxaad ku qiimaysaan Muuse Biixi intii uu wasiirka daakhiliga ahaa wixii uu qabtay iyo wixii uu falay, anna waxaan leeyahay afartii sanno ee aan wasiirka arrimaha gudaha ahaa ummadda waxaan u qabtay daraf ilaa daraf ha illaabina nin walba maalintii uu masuuliyadda idiin hayey tallaabooyinkii uu qaaday iyo wuxuu qabtay oo taariikh ba taariikh bay beddelaysaa, ummaddaana na kala dooran doonta, naguna kala dooran doonta kee ummadda hoggaamin karaya, una fiican, caddaaladdiisa iyo naxariistiisuna u fiican tahay iyo ka ay ummaddu isugu mid tahay bari iyo galbeed, koonfur ilaa woqooyiga oo aanay cunsuriyad ku jirin oo hadday tahay beelaha Warsangeli, Dhulbahane ilaa Ciise leh keeba dhaqi karaya oo aan eedo iyo balaayo kale loo tirinayn?
Jamhuuriya: Ugu dambayn, Ismaaciil madaxaad bulshada reer Somaliland aad fursadan uga faa’iidaysan lahayd inaad tidhaa?
Ismaaciil-yare; Ummadda waxaan leeyahay nabadgelyadiina iyo dawladnimadiina ilaashada, xukuumaddiina jirtana intay joogto waxa aad la qaban karaysaan la qabta, waayo waynu soo dooranay oo haddaynu dhac uun nidhaa siday KULMIYE dhaca noo lahaayeen meeshu way inaga baabaysa, uguna duceeya intay joogaan in Ilaahay caddaaladda waafajiyo, ummadda xuquuqdeedana ilaaliso oo u sheega waxay ku khaldanto oo ha ka qarinina, iyada oo mudaharaad iyo dhib aydaan samaynayn.
Ha aqbalina hadallada qaranimadiina waxyeellaya sida hadalladii UDUB iyo UCID ka soo yeedhay ee ay yidhaahdeen Qaramada Midoobay ayaa ka dambaysa iyo khalkhalbay ina gelinayaan,Jamhuuriyadbaynu nahay is aqoonsatay, aqoonsiga kalena Ilaahay baa inoo haya, mana aha in meel lagaga dhaco dawladnimadeenna jirta, xeerka Barlamaanku ansixiyeyna maaha in meel lagaga dhaco, in la innaga dhigo dad sida Soomaaliya meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan aan la garanayn maaha, dad iyo ummad jirta ayeynu nahay, ururradana nin kastoo hoggaaminaya codkiina ku siiya, iskana ilaaliya inaad codaynta ku celcelisaan, ha dhegaysanina xisbiyo jar ka sii laalada.
Waxa loo baahan yahay dhallinyaro cusub oo aqoon leh oo dalka iyo dalkaba wax u qabata in loo soo doorto.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com