Wasiirka Madaxtooyadda oo markii u horraysay ka hadlay urur lagu xantay

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanu jirin Urur siyaasadeed uu xiligan ku jiro, isla markaana aanu diyaar u ahayn una baahnayn, kaas oo sidoo kalena si weyn u soo dhaweeyey 
(HNW)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanu jirin Urur siyaasadeed uu xiligan ku jiro, isla markaana aanu diyaar u ahayn una baahnayn, kaas oo sidoo kalena si weyn u soo dhaweeyey xeerka dhalinyarada u ogolaanaya ka qayb qaadashada siyaasada ee ay shalay meelmariyeen golaha guurtida Somaliland, kuna sifeeyey dabar weyn oo laga jaray dhalinyarada dalka, isla markaana dhalinyarada kula dardaarnay inay Jaaniskaas uga faa´idaystaan si Xilkasnimo iyo Masuuliyadi ku jirto.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland. Mud: Xirsi Cali Xaji Xasan
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaas oo sheegay inay arintaas wada hadal ku dhamaatay, xukuumad ahaana ay aad u soo dhawaynayaan nabada ay wada qaateen beelihii dirirtu ku dhexmartay Magaaladaas, isla markaana ay dawlad ahaan diyaar u yihiin inay hirgaliyaan gogoshii nabada ee uu hore Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyey.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay weerarkii Wasiirka Warfaafinta Mr. Xaabsade lagula beegsaday Ceerigaabo, kaas oo tilmaamay inay Maleeshiyo soo weerartay imikana nabadi ka danbaysay dhacdadaasi. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah Khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan Hargeysa, Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xeerka dhalinyarada u ogolaanaya inay siyaasada ka qayb qaataan oo shalay guurtida ansixisay, waxa uu yidhi “Meel marinta maanta Golaha Guurtida Somaliland ay meelmariyeen Xeerkii dhalinyarada u ogolaanayey inay ka qayb qaataan siyaasadda wadanka dawlad ahaan iyo shakhsi ahaanba aad ayaan u soo dhawaynayaa run ahaantii, waxaan qabaa inay tahay Jaanis mihiim ah oo u furmay dhalinyaradeena waana siyaasada, balanqaadkii Kulmiye ee xukuumadani ay balanqaaday markii ay ku jirtay Ololaha, isla markaana waa rajadii dhalinyarada Somaliland oo run ahaantii wax laga qabtay, Dhalinyaradana waxaan u dardaarmayaa inay xilkaa cusub ee ay u diyaargaroobayaan ay Masuuliyad iska saaraan”.
Wasiir Xirsi mar uu ka jawaabeyey saamaynta ay dalka ku keeni karto arintaasi, waxa uu ydihi “Filimaayo inay wax khalkhal ah u keeni karto dalka arintani ama xeerkan la ansixiyey iyo ururada badan ee muwaadiniintu furmeenba, hadii wax ka dhinmaan dhalinyarada xaga khibrada maamulkana way iska baran Insha Allaah oo waa la toosin doonaa. Dhalinyartana waxaan farayaa oo aan maanta Wargayska Haatuf u marinayaa fariin, waxaanan farayaa maadaama oo arintani tahay tijaabadii ugu horaysay inay uga baxaan si masuuliyadi ku jirto inay xilkaa sharcigu u ogolaaday inay uga soo baxaan, waxaanan u dardaarmayaa inay dhalinyaradu wadankooda aaminaan oo ay wadankooda ka shaqaystaan, isla markaana ay xirfadahooda kala duwan iyo hal abuurkooda ay la yimaadaan, waxaanan ugu danbayn dhalinyarada reer Somaliland leeyahay waar ka digtoonaada wixii qarankiina iyo shacbigiina wax yeelaya”.
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan mar wax laga waydiiyey waxa ka jira tuhuno lala xidhiidhinayey wakhtiyadan danbe, kuwaas oo sheegaya inuu ka danbeeyey Unkamka urur siyaasadeedka Nasiye, waxa uu yidhi “Hore ayaan u cadeeyey anigu arintaas ururkaa aad sheegayso oo wax lug ah kuma lihi, anigu uma baahni urur furasho iimana muuqato wax igu kalifaya arintaas, markaa waxaan jeclahay inaan jawaabta arintaas ku soo koobo waxba kama jiraan”.
Isaga oo hadalka sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal ku saabsan halka ay marayso shaqaaqadii Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Run ahaantii aad ayaan ugu faraxnsahay Nabada ka curatay Ceerigaabo ee ay dadkii walaalaha ahaa ee dirirtu dhexmartay arintoodii ku dhamaysteen wada hadalka, isla markaana waxaan kale oo aan u mahad naqayaa waftigii xukuumadda ka socday ee daminta shaqaaqadaas ka hawlgalay, isla markaana waa guul u soo hoyatay dhamaan ummadda Somaliland oo dhan. Xukuumad ahaan waxaanu wali Jecelnahay oo aanu ku baaqaynaa gogoshii Madaxwaynaha oo waxaanu leenahay isku duubnida ayuunbaynu wax ku noqonaynaaye ku soo dhawaada gacmo furan”.
Wasiirka Madaxtooyadda Xiris mar wax laga waydiiyey cida ay xukuumad ahaan ku tuhunsan yihiin weerarkii lagu soo qaaday Wasiirka Warfaafinta ee Ceerigaabo lagu soo weeraray, waxa uu yidhi “Arintaas waxaan ka taaganahay oo aan aaminsanahay inay ahayd uun dablay soo weerartay masuuliyiintaas, cidii waday weerarkaas iyo cidii aan wadinba arintaas waa dhacday ay nabadi ka danbaysay”.