Berbera, 23 November, 2011 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay Deeq mucaawino ah kala wareegaty masuuliyiin sare oo ka socday dawladda Turkiga oo ka kooban afar koondhiinar oo isugu jira maceeshad la quuto.
Deeqdaas Tugriga ku timi ayaa isugu jirtay Baastooyin iyo Bbuskuddo kala duwan oo loogu talo-galay in lagu quudiyo Carruurta Agoomaha ah ee ku jira Xarunta Agoomaha Hargaysa. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay inay koontiinaradaas mucaawinada ah ay ku wareejin doonaan Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana uu isagu si toos ah u gaadhsiin doono meelaha loogu talogalay.
Waxa kale oo ay sheegtay Wasiirka Waxbarashadu inuu xidhiid soo jireen ahi ka dhaxeeyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Turkiga, waxaanay xustay Samsam in dawladda Tugrigu dhismayaal qadiimi ah iyo mashaariic kala duwan ay ka samaysay taariikho hore dhulka Somaliland.
Sidoo kale, madashaa waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Saraakiil ka socotay Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Somaliland iyo waliba Weftiga Tugriga ka socday ee Deeqdaa wareejinayay oo sheegay inaanay Deeqdani noqon doonin tii ugu dambaysay ee ay soo gaadhsiiyaan Somaliland. Maaha markii ugu horreysay ee Deeq noocan oo kala ah ay dawladda Turkigu soo gaadhsiiyaan Jamhuuriyada Somaliland.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.