Hargeysa(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isku afgaran waayay gudagalka doodda iyo meel-marinta Xeerka Baananka Islaamiga, kaasoo muddo badan horyaalay Golahaas.
Fadhigii maanta ee Golaha oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayay Mudanayaashu u ballansanaayeen gudagalka iyo meel-marinta Xeerka Baananka Islaamiga ah, Xeerkan oo muddo dheer golaha Wakiiladda hor-yaalay isla markaana la sugayey meel-marintiisa ayay guddida dhaqaalaha golahaasi cadeeyeen inuu ilaa hadda qabyo yahay, loona baahan yahay in la qabyo tiro, maadaama oo xeerkaasi yahay mid muhiim u ah Somliland.
Inta badan Mudanayaasha golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in la raaco soo jeedinta guddida xeerka gacanta ku haysa ee ah in la qabyo tiro, sidaas ayaanay Mudanayaashu ku qanceen.
Dhinaca kale, xildhibaanada golaha wakiilada ayaa galay fasax lix todobaad ah, waxaana guddoomiyaha golaha wakiiladu ku war-galiyey mudanayaasha in muddadaas la dhamaystiri doono xeerkaas iyo guud ahaan xeerarka kale ee golaha horyaala.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.