Hargeysa-(Berberanews)- Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti, halkaasi oo ay sheegeen inay kaga qeyb-geli doonaan kulammo Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay dalkaasi kula yeelan doonaan Madaxweynaha dawladda Jabuuti iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.
Weftigan uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timo-Cad).
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa intii aanay dalka ka dhoofin Warbaahinta u sheegay in kulammo heerkoodu sareeyo ay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Jabuuti kula yeelan doonaan dawladda dalkaasi oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo uu sheegay inay labada Madaxweyne kaga wadahadli doonaan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa.
Weftiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isla maanta ka soo kicitimay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana la filayaa inay maalmo ku hakan doonaan waddanka Jabuuti.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.