Mudane Guurtida ka Tirsan oo Fasiray Muranka Sharci ee ka Taagan Xildhibaannada ka Baxay Xisbiyadoodii

Hargeysa 24 Nov 2011 (Berberanews) – Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fasiraad ka bixiyey muranka sharci ee ka taagan in xildhibaannada golayaasha sharci-dejintu ka bixi karaan xisbiyadii laga soo doortay.
Md. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabadii mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilladu kaga baxeen xisbiyadoodii ee ay ugu biireen qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee cusub, isagoo soo bandhiggay qodobo sharci ah oo ku jira dastuurka dalka u yaal iyo xeerarka golayaasha iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood xaaraantinimaynaya in xildhibaanku ka diga-rogan karo xisbigii uu ku abtirsanayey ee uu doorashada ka soo baxay.
Qoraal xildhibaanku soo saaray waxa kale oo uu kaga hadlay xeerka doorashada degaanka ee lagu daray qodob dhallinyarada u oggolaanaya inay da’da 25 jirka kaga qaybgalaan doorashada.
Qoraalka mudanaha oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan;
“Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarta reer Somaliland ee maanta loo ogolaaday inay ka qaybgalaan doorashooyinka golayaasha deegaanka, laakiin waxaan leeyahay waa Irbad suuxiso ah oo lagu muday, sababta oo ah waxa ka muhiimsanahayd haday dhab ka tahay xukuumadda dhalinyaradu inay siyaasada geliso, isla markaana xukuumadaha la soo dhisayo sida wasiirada, wasiir-ku-xigeenada, agaasimayaasha, badhasaabada gobollada, xoghayayaasha degmooyinka iyo hay’adaha madaxabannaan loo dhiibo dhallinyaro. Haseyeeshee, waxa irbadii xumad jebinta looga dhigay dhallinyarada dariiq qodax badan oo ay adag tahay inay wakhtigan si dhibyar uga gudbaan, tusaale ahaan:-
1. Ururrada maanta tartamayaa kuma qanacsana in haddii uu golayaasha degmooyinka u soo sharraxo dhallinyaro ay cod uga soo hoynwaayaan deegaannada ay ka soo jeedaan,
2. Ururradu waxay aaminsan yihiin in aannu dhaqaale uu kambaynka ku galo haysanin ninka dhalinyaradda ahi, isla markaana uu u baahan yahay cid cod badan oo ururku xisbi ugu gudbo u soo hoysa.
Sidaa darteed waxa muhiim ah inay dawladdii ay codkooda ku soo saareen ay saamigoodii sidii ay uga heli lahaayeen olole u galaan, kuwa maanta doonaya inay doorashooyinka ka qaybgalaana ay gole-dhexe dhallinyaradu ku yeeshaan ugu yaraan 30% ama 40%, heshiis cadna kala dhigtaan in haddii talada dalka uu ku guulaysto tirada uu ka helayo golaha wasiirada, gaasimayaasha iyo dhammaan masuuliyiinta Qaranka.”
“Arinta labaad ee aan waxyar ka odhanayaa waa dhacdo meel ala meel ay shuruucda wadanka kaga jirtaa aanay jirin, taas oo ah in xildhibaanadii Baarlamaanka iyo Golayaasha deegaanka ay ka baxaan xisbiyadii qaranka iyaga oo raba inay ku biiraan ururro aan jirin oo aan weli la sharciyeynin.
Waxa qaranka jab ku noqonaysa marka xildhibaan xisbi ku soo galay Baarlamaanka ama golaha deegaanka oo sharcigu uu si cad u sheegay in shuruudaha ugu muhiimsani tahay in murashaxa isku taagaya golayaasha qaranka uu ka tirsan yahay xisbi, isla markaana uu xisbigu soo sharraxayo, taasina waa xaqa keliya ee xisbigu gar u leeyahay, mana jiro murrashax madaxbanaani dadkii dooranayey ha haysto ama lacag midkuu doono ha haystee.
Dastuurka qodobkiisa 51-aad ee iftiiminaysa buuxinta jagada golaha wakiilada, farqadiisa 3-aad waxay leedahay ‘haddii uu xildhibaanku jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay, isla markaasna shuruudihii lagu soo doortay waxa ka mid ah oo caddeeyey Xeer No 14/2011, qodobka 11-aad oo leh murashaxiinta u tartamaysa doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanka, farqada 1-aad qofkasta oo muwaadin ahi waxa uu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. Xafarka B wuxuu leeyahay ma banana murashax aan xisbi soo sharixin inuu is sharaxo, waana mamnuuc murrashax madaxbanaan.’
Markaa waxa inoo cad inuu halkaasi ku jebiyey shardigaa ay cadaysay Farqadaasi 3-aad.
Qodobka 5-aad ee Xeer No 14/2011, farqadiisa 9-aad waxay leedahay ‘xisbiga la ansixiyo xisbi kale kuma biiri karo, doorashooyinka ka hor iyo ka diba, sidoo kale waa inay xeerkiisa ku cadaataa inaan laga saari Karin xubin ama xubno loo doortay golayaasha sharciga ah hadii aanay ka hor imanin xeerarka dalka iyo ka xisbigaba.’
Sidoo kale isla xeer Lr 14/2011 qodobka 14-aad reebanaan wuxuu odhanayaa, ‘uma banaana qofkasta oo ka tirsan Ciidamada Qaranka sida Millatariga, Booliiska, Asluubta, hay’adaha Sirdoonka, ururrada aan dawliga ahayn, shaqaalaha dawladda, garsoorka, Xeer-ilaalinta, gudiyada diiwaangalinta, ururrada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada
qaranka;
1. Inay samaystaan urur-siyaasadeed iyo ka noqoshadiisaba.
2. In loo magacaabo xafiis urur-siyaasadeed.
3. Ku lug yeelato arrimo axsaab/ururo oo lumiya dhexdhexaadnimaada xafiiska uu joogo.
4. Taageerida ama ka soo horjeedsi Xisbi/Urur siyaasadeed.
Dhinaca kale, Dastuurka qaranka qodobkiisa 48-aad wuxuu leeyahay, ‘xubinta golaha wakiilada uma bannaana qabashada xil kale iyo uga faa’idaysi xilka dano gaar ah.’
Haddaba, waxaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda kula talinayaa inaanu ku tumanin shuruucda dalka, isla markaana waxaan leeyahay maxkamada sare ha ka qaadato doorkeeda arrimahaas.”