Puntland oo sii daysay saraakiil reer Somaliland ah oo xukunno sharci daro ah ay ku riday maxkamadda Garoowe

Garoowe-(Berberanews)- Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa sheegay inay cafis Madaxweyne ku sii daayeen 8 qof oo ay jidgooyo u galeen malleeshiyo Puntland ka soo jeedaa xilli ay marayeen magaalada Taleex ee gobolka Sool 08-09-11, ka dibna maxkamadda Garoowe ku xukuntay 5-10 sanno ahh xadhiga ah.

Maamulka Puntland oo ku caanbaxay budhcad-badeednimmo iyo ammaan darro khalkhal gelisay nolosha dadka deegaanadaas, ayaa Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Puntland  Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa waxa uu sheegay in Maxaabiistan lagu sii daayay cafis Madaxwayne, islamarkaana lagala wareegay gaadiid iyo waxyaale kale oo lagu soo qabtay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu dhayalsatay inay wax tallaabo ah ka qaado maamulka budhcad-badeeda Puntland oo caadaystay ku-xadgudubka qaar ka mid ah deegaanada Somaliland ee Sool, Sanaag iyo qaybo ka mid Buuhoodle.

Berberanews.com