Shirkadda Dahabshiil oo ka Qayb-gashay Shir ku saabsan kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda oo toddobaadkii hore ka dhacay dalka Talyaaniga

Hargeisa, November 25, 2011, (Berberanews) – Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb-gashay shir Caalami ah oo lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda, kaasoo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa shalay saxaafadda uga warammay waxyaabihii lagaga dooday shirka ka dhacay Rome iyo ka-qaybgalkii shirkadda Dahabshiil, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Qurbejooggu waxay kaalin weyn kaga jiraan horumarinta dalalka ay ka soo jeedaan, ha noqoto xagga maalgelinta, ganacsiga, abuurista xirfado badan iyo fursado shaqo, horumarinta beeraha, taakulaynta qoysaska iyo mujtamaca danleyda ah, iyo la-dagaallanka saboolnnimada”, ayuu yidhi maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale oo ka warramayay qaybo ka mid ah khudbad uu ka jeediyey shir-sannadeedka hay’adda horumarinta beeraha ee IFAD oo qabsoomay bishan 17-keedii.

Qurbe-joogta dunida ayaa lagu qiyaasay illaa 215 Malyan oo qof, iyada oo cilmi-baadhis la sameeyey lagu ogaadey in shan iyo afartankii sanno ee ugu danbeeyey oo keli ah ay saddex-jibbaarantay tirada dadka qurbajoogta ah ee ka dhoofay dalalkooda. Sanaddii 2010-kii, waxa lagu qiyaasay in qurbe-joogtaasi ay dib ugu geliyeen dalalkooda illaa $325 Bilyan oo dollar, iyaga oo adeegsanaya qaabab xawaaladeed, maalgelin, ganacsi, dalxiis iyo deeqo taakulayneed.

Sidoo kale, Qurbajoogta Soomaalida ah ee debadaha ku nool ayaa iyaguna kaalin ka qaata waxtarka dadkooda, iyaga oo sannad kasta xawila lacag xaddi ahaan ka badan marka la isku geeyo dhammaan mucaawanooyinka adduunka iyo maalgelinta debadeed ee la siiyo Soomaalida.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil waxa uu sheegay in shirkadaha ugu waaweyn ee suurtogeliya adeeggan ay horseed u tahay Shirkadda Dahabshiil oo ah Shirkad caalami ah oo ka hawl gasha in ka badan 150 dal oo adduunka ah. “Adeegyada Dahabshiil waxa ku jira xawaaladaha tooska ah, kuwa ganacsiga, kuwa heyadaha caalmiga, NGO-yada iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, iyo sarrifka lacagaha adduunka ee adag, iyada oo adeegsanaysa tiknoolojiyadda casriga ah ee isgaadhsiinta noocyadeeda kala geddisan, si ay u qabato adeeg dhakhso badan, oo sugan, oo hufan, isla markaasina aamin ah, una hoggaansan shuruucda caalamiga ah” ayuu mar kale yidhi Md. Ducaale.

Maamulaha Guud waxa uu sidoo kale carrabaabay in adeegyada casriga ah ee shirkadda Dahabshiil ay ka mid yihiin Isgaadhsiinta Internetka iyo telifoonnada, wargelinta degdegga ah ee macaamiisha (SMS), Kaadhadka Dahab-Card, E-Banking, E-Cash iyo adeegga telifoonnada ee Xawaaladda degdegga ah oo la hirgelin doono. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi, “Dahabshiil waxay adeegyadeeda gaadhsiisaa degaannada ugu fogfog ee   baadiyaha, xoolo-dhaqatada, iyo beerleyda miyiga oo si sahal ah oo dhakhso badan u hela xawaaladda, maalgelinta iyo adeegyada hey’adaha, iyo xeryaha qaxootiga iyo barkacayaasha,” isaga oo intaas  raaciyay, “Waxa kale oo ay dhiirrigelisaa maalgelinta hoose ee dadka danleyda ah (micro-economy) ha noqoto dhinaca beeraleyda iyo meheradaha yaryar, xirfadaha dumarka, ardayda, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada kale ee bulshada.”

Cabdirashiid waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu shirkaas Rome ka sheegay in Shirkadda Dahabshiil ay kaalin muhiim ah ka qaadato xidhiidhinta dadweynaha debadda iyo gudaha ee qaaradda Africa, isaga oo xusay in shirkaddiisu waayo-aragnnimo dheeraad ah u leedahay duruurfaha iyo la-shaqanta qurbajoogga oo ay muddo ka badan 40 sanno ay ku xidhnayd.

Iyada oo ay mararka qaarkood caalamku maqlaan warar Soomaalida ku saabsan oo aan wacnayn, sida dagaallo iyo macluul, Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu niyad-samaan ka muujiyay kartida Soomaalida ee Horumarka. “Ma aha in loo arko dadka Soomaaliyeed dad aan waxba qabsan karayn, oo adduunka dhibaataynaya, oo ku hawllan oo keliya dagaallo, budhcadbadeed, macaluul ama dad mar kasta ku tiirsan gurmad iyo taageero debadeed oo qudha”, ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale, isaga oo niyad-samidaas ku daray, “Waa dad haddii la gacan-qabto, isku filnaan kara oo samayn kara horumar iyo xaddaarad” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com