Berbera-(Berberanews)- “Dadka aan xagga hore eegayn ee aan wanaagga iyo horumarka u muuqan ee mar kasta xagga dambe eega marar badan waxay eegaan wixii inaga xumaaday, cid kasta oo nooli haddii ay qoys tahay, haddii ay mujtamac tahay iyo haddii ay dal tahayba waxay leeyihiin maalmo fiican iyo maalmo murugo leh, way jiraan maalmo qadhaadhaa oo murugo leh oo aynu soo dhexmarnay, waxaynuse kaga bixi karnaa in aynu maalmahaa madoowbaa ku beddelno qaar wanaagsan oo aynu ilawno khaladkeenii, kuna noqon taariikhdeenii aynu ku khaldanay, ma diidi karo wixii ina soo maray. Anigu waxaan ka mid ahay 10-ka ama 20-ka qof ee ugu horreeya ee marka la soo qaado halgankii SNM lagu ammaano, marka la eego wixii inaga khaldamayna lagu cannaanto, labadaba waan qaadanayaa, waayo waa taariikh aynu soo marnay, khaladkii ragga ugu xannuunka badan waan ahay, guushii la gaadhayna ragga ugu guulwayn baan ahay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo arbacadii doraad khudbad u jeediyay dadweynaha reer Oodweyne.
Muuse Biixi waxa uu dadweynaha reer Oodweyne ku gubaabiyay inay ka shaqeeyaan danta iyo wax wada-qabsiga, iskaashina muujiyaan oo laga baxo kala qoqobnaanta, “Maanta maxaa inoo dan ah? Waxa inoo dan ah oo aynu wax ku qabsan karnaa inaga oo u midowna danta guud, khilaaf wuu jirayaa oo xisbiyada ayaa khilaafka wada, saddexdii hore idinka oo layaaban ayaanu toban kalena soo wadnaa, danteena ayey noqotay, laakiin ra’yigeenu waa inuu ku cabbirmaa iskaashi, horumar iyo walaaltinimo oo wiilka iyo gabadha reer Oodweyne ay Gabiley, Saylac iyo Ceerigaabo iska sharrixi karaan oo ay guri ka dhisan karaan oo aanay kala oodnaan Oodweyne iyo Gabiley oo aanay Oodweyne iyo Saylac kala oodnaan, Ceerigaabo iyo Burco kala oodnaan, laakiin haddii aynu xisbiyada ku koobno reer reer oo ninwaliba meeshiisa ku oodmo waxba inoo kordhimaayaane waa dib-u-dhac labaad. Waxaynu u baahanahay in dadku is dhexgalo oo uu fikirka wadaago oo uu maalka wadaago si aynu hore ugu marno.”
Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dhibaatada laga dhaxlay goleyaasha deegaanka iyo masuulliyiinta isku beelaha ah ee gobollada ka wada shaqeeya, “Dagaalladii badnaa ee aynu soo marnay iyo xannuunkii badnaa ee ina soo maray nin waliba waxa uu u qaxay halkii uu u dhashay, weli tii baa gocoshadeedii miyi iyo magaalaba ina saamaysay, dabadeedna magaalooyinkii nin waliba degaankoodii ayuu isku ooday, haddii degaanku isaga uun ahaan lahaa ciil maan qabeene tuulo waliba waxay u sii kala oodan tahay reer Faarax iyo reer Jaamac, tuulo waliba way is haysataa oo dhulkii bay kala oodatay, ceelashii bay isku haysataa, haddii aan caawa (Arbacadii) Oodweyne hoos ugu dhaadhaco iyada ayaanan ka dhammaanayn, Hargeysa waa la mid, Burco waa la mid oo halkaad tagtaaba waa sidaa, taa meel ku gaadhimayno walaalayaal. Dhibaato kale ayey degaanku keentay, waxaynu nidhi Afweyne iyo dawladdiisii ayaanu iska xorreynay oo waxay ahayd dawlad cirka laga soo diro badhasaabka iyo boolis aan degaanka ahayn oo aan dadkaba garanayn ee waa in aynu waxba degaamaynaa, kadibna magaalo walba waxaynu u dooranay badhasaab ama guddoomiye, guddoomiye maxkamadeed, taliye boolis iyo xisaabiye wada ilmaadeer ah oo way isdhegaysanwaayeen illeyn qofkii ma aaminsana in inaadeerkii dawlad yahay, dawladdu ilmaadeerka ma taqaanno ee haybadii dawladnimo ayey lumisay degaamayntii, waa dhibaato soo baxday iminka oo u baahan in dib looga fiirsado.”
Waxa uu intaa raaciyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo yidhi, “Walaalayaal maanta waxaan doonayaa in aragtideenu noqoto haddii aynu mustaqbalkeena ka talinayno iskaashi, niyad-samaan iyo in siyaasaddeenu noqoto mid isku keen darta ee aanay noqon mid ina kala qoqobta, in aanay noqon mid hiif inoo keenta ee ay noqoto mid kalgal inoo abuurta, waa in xisbiyadu talo horseedaan, annagu haddii aannu KULMIYE nahay iyo xisbigii talada hayey in aannu talo wadno waxaad ku garanaysaan annaga oo aan jirin sannad oo kursigii dabada la helin ayaa la yidhi xisbiyadii fura, waanuna furnay Isha Allaahu waxaannu rajaynaynaa in ay guul iyo horumar keenaan oo aanay muran iyo yooyootan keeneen oo aanay degaannada hoos hoos u sii qaybin oo berri Oodweyne aanay ku wareerin cidda ay dooran karayso.”
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com