Muqdisho-(Berberanews)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka SoomaaliyaShariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Muqdisho ku laaabtay maanta, ka dib markii ay dalka dhawaanahanba kaga maqnaa safarro uu ku maray qaar ka mid ah waddammada Afrika.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG ah ay soo dhawaynayso cid kasta oo la dagallamaysa Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Barlamanka ayaa sheegay in Al-shabaab dalka ay u hayaan oo keliya in dadka ay iska qalaan sida Xoolaha, waxaanu uu carrabka ku dhuftay in sidaasi daraaddeen qof walba looga baahanyahay in laga hortago Ururkaasi oo uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin argagixasada caalamiga ah iyo Al-qaacida.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Barlamanka ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo waxyaabihii kasoo baxay shirka Madaxda IGAD ee kusoo tododdobaadkan ku dhammaaday magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia. “Waannu soo dhawaynaynaa cid kasta oo Al-Shabaab la dagaallamaysa.” Ayuu yidhi Shariif Xasan Sh, Aadan.
Waxaanu Shariif Xasan sheegay in xilligan waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in fadhiyada Barlamanka ay furmayaan, isla markaana loo baahanyahay in Xildhibaannadu ay arrintaasi ogaadaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.