Booliska Burco oo Xidhay Sagaal Nin oo Hay’adaha Sirdoonka Ingiriiska iyo Somaliland ka socday

Burco-(Berberanews)- Booliska magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa habeen-hore gacanta ku dhigay, isla markaana Xabsiga u taxaabay xubno ka kala tirsan Sirdoonka dawladda Ingiriiska iyo Sirdoonka Madaxtooyada Somaliland, ka dib markii ay ka baydheen jidka Laamayda ah ee u dhexeeya Degmada Qoyta iyo magaalada Burco.

Ciidanka Ammaanka magaalada Burco, ayaa la sheegay inay saddex nin oo caddaan ah oo ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska iyo niman kale oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland oo watay saddex Gaadhi ay qabteen, isla markaana xidheen, ka dib markii ay ka shakiyeen. Ma jiro war si rasmiya looga soo saaray arrintan, hase ahaatee, ila-wareedyo xog-ogaal ah oo ka ag-dhaw Booliska Burco, ayaa Wargeyska Ogaal u sheegay in Sirdoonkaas Boolisku qabtay.

“Xalay (habeen-hore) labadii 2:00-dii habeennimo ayuu Booliska Burco gacanta ku dhigeen Xubno Sirdoonka Ingiriiska iyo kuwa Somaliland isugu jira oo watay saddex baabuur, saddexda baabuur waxay ka baydheen laamaydii ay hayeen meel u dhaxaysa Burco iyo Qoyta oo ay uga baydheen  xagga Bari iyaga oo qarda-jeexaya.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ila-wareedyada Ogaal soo xigtay.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi; “Sirdoonka Ingiriisku waxay ahaayeen saddex nin oo caddaana, Sirdoon madaxtooyada Somaliland ka tirsan ayaa la socday oo lix nin ka koobnaa, iyada oo la baadhayo ayey  dawladda Somaliland ogaatay. Dabadeedna, waxa lagu amray Boolisku inay siidaayaan oo aaay nimankaasi ahayn kuwo dalka iska soo galay ee ay dawladdu la socoto, ka dibna sidaas ay markii dambe Boolisku ku sii-daayeen.”

Xigasho Wargeyska Ogaal.