Kooxda Al-shabab oo 16 hay’adood oo kuwa samofalka ah ka joojiyay howlihii ay ka hayeen gobollada ay ka talliso

Muqdisho-(Berberanews)- Urur Al -Shabab ayaa maanta ka mamnuucay Soomaaliya 16 dowladood oo isugu jira hay’addo caalami ah iyo kuwo aan dowli ahayn oo maxalli ah.

Bayaan ka soo baxay xafiiska u qaabilsan Al-Shabab la socodka dhaqdhaqaaqa iyo dabagalka hay’adaha OSAFA ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka danbeeyo aanay ka shaqeyn karin dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada ay maamulaan Al-Shabab hay’adahaasi oo ay ku jirto hay’adda Saacid.Al-Shabab waxay ku eedeeyeen hay’adahan in ay ka sameeyeen Soomaaliya tiro-koobyo dhinaca dadka ah iyo in ay macluumaad ka gudbiyeen Al-Shabab oo ay u direen sida ay sheegeen gaalada waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale hay’adaha qaar ayaa waxa ay ku eedeeyeen Al-Shabab in ay Soomaaliya wakiilo uga ahaayeen kaniisado isla markaana ay wadeen howlo ay ku gaalaysiinayeen dadka muslimiin ah.

Hay’adaha ay ururka Al-shabaab mamnuuceen ayaa kala ah: –

1. Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR.

2. Ururka Caafimaadka Adduunka WHO.

3, Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta   (Unicef).

4: Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan dadka.   (UNFPA).

5. United Nations Office for Project Services (UNOPS)

6. Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU)

7. Norwegian Refugee Council (NRC)

8. Danish Refugee Council (DRC)

9. Hay’adda Concern

10. Norwegian Church Aid (NCA)

11. Cooperazione Internazionale (COOPI)

12. Swedish African Welfare Alliance (SAWA)

13. German Agency For Technical Cooperation (GTZ)

14. Action Contre la Faim (ACF)

15. Hay’adda Solidarity

16. Hay’adda wadaniga ah ee  Saacid.

Horay waxay Shabab dalka uga mamnuuceen hey’ado dhowr ah oo ay ka mid yihiin, WFP, CARE, UNDP, IMC Care iyo IMC kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen shirqoolidi Adan Ceyroow oo ahaa sarkaalki ugu sareeyey dhanka milatariga Al Shabab.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.