28, Nov,2011-(Berberanews)-Afartii hogaamiye ee xukunka lagaga tuuray kacdoonkii dalalka carabta ka dhacay sanadkii dhamaaday ee 1432-ka Hijriga ayaa noqday mid goobaha internet-ka ee lagu wada xidhiidho la isku dhaafsado, waxaana sawir guud oo ay wada dhawr sanadood ka hor mar shirweyne ay lahaayeen dalalka carabtu uu noqday mid kulmiyay sidii ay isugu xigeen ee xukunka looga Tuuray iyo tirada sadanka ee 1432-ka hijrigu ku beegmayso.
Madaxweynihii hore ee dalka Tuunis Sayn Caabidiin Bin Cali oo isagu ahaa hogaamiyihii talada looga hor tuuray ayaa ku beegan nambarka 1, halka Xusni Mubaarik oo ku xigay uu ku beegmay nambarka 2, hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Qadaafi oo isna ahaa hogaamiyihii sadexaad ee xukunka lagu tuuray ayaa ku beegan nambarka 3, halka Cali Cabdale Saalax madaxweynihii hore ee dalka Yemen uu isna maalmo ka hor ogolaaday inuu xukunka ka dego oo uu saxeexay qorshihii golaha iskaashiga khaliijka uu ka galay nambarka 4, waxaanu qoraalka guud ee tirada Sanadka 1432-ka Hijrigu ugu kala dhacay sidii ay isugu xigeen.
Runtii sawirkaa guud ee madaxdaasi wada galeen dhawrka sanadood ka hor muu ahayn mid ay filayeen ama cidi wakhtigaa ku xisaabtamaysay inay sida tirada sanadkii ay wada dhaceen ugu beegan tay ay isugu xigi doonaan oo xukunka laga wada tuuri doono, laakiin waxa uu cibro iyo wax lagu waano qaato u noqonayaa hogaamiyayaasha ka danbeeya.