Abbaanduulaha Ciidammada Qaranka ee Fadhiisinka 7-aad iyo Askari la socday oo dhaawacyo soo gaadheen

Laascaanood-(Berberanews)- Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, ayaa sheega in Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ee Fadhisiinka 7-aad ee deegaanka Gambadha Ab. Ibraahim Ashkir iyo hal Askari oo kale ay dhaawacmeen, ka dib markii uu la gaddoomay Baabuur nooca Tignikada loo yaqaanno ah oo ay wateen, kaasoo kula dhacay meel u dhaw magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaadhiga dhacay ee ay Abbaanduulaha iyo halka Askari ku dhaawacmeen ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhawr Tigniko ah oo uu hoggaaminayey Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka ee jiidda toddobaad, kuwaasoo la sheegay inay ku socdeen deegaanka Yagoori oo uu gelinkii hore ee maanta iska horimaad koobani ku dhex-maray isla Ciidammada Qaranka Somaliland ee jiidda hore, gaar ahaan kooxo ka kala tirsan Fadhiisimmada 7-aad iyo 9-aad ee Ciidammada Qaranka. Kaasoo ay wararku sheegeen inuu ku dhintay hal Askari illaa saddex kalena ku dhaawacmeen.

Illaa hadda si dhab ah looma oga sababta keentay is-ku-dhaca labada guuto ee ka wda tirsan Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee, waxay wararku tibaaxayaan Saraakiisha Ciidammada Qaranka ee Jiiddaasi ay ku mashquulsan yihiin baadhista waxa sababay isku dhaca Ciidanka. Waxaanay wararku intaa ku darayaan in dhaawaca Abbaan-duulaha, Askariga la socday iyo Askarta isku-dhaca ku dhaawacmayba loo soo qaaday dhinaca magaalada Laascaanood si loogu daweeyo Cusbitaalka magaaladaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.