Garowe: Dood-cilmiyeed ku saabsan Gudniinka Fircooniga iyo aragtida Islaamka oo ay ka qaybgaleen culimmo Soomaaliyeed

Garowe,29,Nov,2011-(Berberanews)-Waxaa maantii shalay hoolka shirarka Wasaarada hormarinta Haweenka iyo arimaha qoyska dawlada Puntland ka furmay shirweyne balaaran oo ay ka qaybgaleen in kabadan lixdan culimada diinta ee Soomaaliyeed ah kuwaasoo ka hadlay kana dooday Gudniinka iyo dhibaatooyinka uu ku hayo Hablaha yaryar iyagoo qiimaynaya sida ay diinta Islaamku u aragto iyo Waxa ay diintu ka qabto iyadoo shirkaasi uu yahay mid balaaran oo iska kaashanayaan Wasaarada Cadaalada Puntland iyo Wasaarada Haweenka ee dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo mudooyinkii u danbeeyey ku mashquulsanayd soo afjarida Gudniinka.

Kulankan oo ay ka qaybgalayaan culimo badan oo Soomaaliyeed oo ka kalayimid meelo badan oo Soomaaliya ah iyo wadamo kale ayaa ah dood cilimiyeed balaadhan kaasoo looga hadlay aragtida saxda ah ee diinteena Suubani ay ka qabto Gudniinka oo noqday Uurkutaalo baaba’iyey Hablaha Soomaaliyeed islamarkaasna aan ka harin ilaa dhimashada, Waxaana kulankan si gaar ah looga hadlay sidi mushkilada Haweenka haysata loo joojin lahaa islamarkaasna Culimada diintu ay u taageeri lahayd qorshaha Wasaarada Haweenka Puntland ee joojinta Gudniinka kaasoo ay dhawaan si rasmi ah u ansixiyeen Golaha wasiirada ee Puntland imikana horyaala golaha wakiilada ee Puntland
Waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka wasaarada hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo ugu horayntii kulankaa furtay iyadoo dhibaatada uu lee yahay gudniinka fir cooniga ka hadashay oo hooyooyinka soomaliyeed ee iyagu ku dhaqma caadadaas xun in ay kajoojiyaan hablahoodo
Waxaa sidoo kale kahadalay madax waynaha puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo kulankaa ka qayb qaatay ayaana sheegay in uu ku faraxsanyahay in loo gahadlo arrimaha gudniinka fircooniga oo hablaha soomaaliyeed caqabku ah xag nolosha xag kastaba waxaan uu sheegay in uu gacan ka gaysan doono madaxwaynaha oo baaq u diray wadaadada in ay ay kawacyi galiyaan dadwaynaha.
Ugu dambayntii kulankaas ayaa la isku raacay in lala dagaalamo gudniinka fircooniga oo ah ficil xanuun badan oo dhib xoogan u gaysatay hablaha soomaaliyeed
Berberanews
wakiilka deegaamada Puntland
Maxamed C/qaadir Cali
dacaryare22@gmail.com