Safaaradda dawladda Ingiriiska ee Caasimadda Iran oo la weeraray

Tehran -(Berberanews)- Arday cadheysan ayaa xoog ku galay dhismaha Safaaradda dawladda Ingiriisku ay ku leedahay Caasimadda Iran ee Tehran. Arrintani waxay dhacday iyada oo Ardaydu ay ka bannaan-baxayaan cunaqabateynta saaran Iran.

Telefishinka ayaa laga arkay calanka Britain oo la jeexjeexayo iyo dokumenti dariishadaha laga tuurayo.

Booliiska ayaa markii dambe ka fogeeyey albaabka safaaradda, aakhirkiina kala ceydhiyay bannaan-baxayaashii.

Inta aanay Safaaradda tegin, Ardaydu waxay ku dhawaaqayeen “Ingiriisku ha dhinto”, Booliiskana wey isku dheceen.

Dhacdadani waxay ku soo beegantay laba maalmood ka dib, markii Golaha u taliya Iran iyo Baarlamaankuba ay go’aan ku gaadheen in la dhimo xidhiidhka ay Iran la leedahay UK, oo cunaqabetyn hor leh ku soo rogtay Iran, arrinta lagu murunsan yahay ee hubka Nukliyeerka Iran awgeed.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.