Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo si adag u cambaareeyey qoraal Xeer-ilaaliyaha guud ku joojiyey Ruqsad bixinta iyo diiwaangelinta Hay’adaha Warbaahineed

“Xukuumaddan waxaannu leenahay Horyaal baad Tunka ku sidatay oo tii Rayaale ayaa ka xishootay inay tidhaahdo bixin mayno Rusqadaha Tifiiyada iyo Wargeysada.

Hargeysa-(Berberanews)- Masuuliyiinta Uruka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si kulul u cambaareeyey qoraal Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland ku sheegay inay joojiyeen bixinta Ruqsadaha iyo diiwaangelinta Hay’adaha Warbaahineed, gaar ahaan TV-yada iyo Wargeysyada illaa inta la dhammaystirayo Xeer Xukuumaddu damacsan tahay inay Saxaafadda xorta ah ku cabbudhiso.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Xoghayaha guud ee Ururka Maxamed-rashiid Muxumed Faarax iyo Qareenka dhinaca sharciga ee Ururka SOLJA Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxay xaaraan iyo sharci-darro ku tilmaameen qoraalka Xeer-ilaaliyaha guud ku sheegay inay ku mabnuuceen bixinta Ruqsadaha iyo diiwaangelinta TV-yada iyo Wargeysyada, kaasoo ay ku tilmaameen waxaanay marnaba Ururrada Saxaafadda iyo Warbaahinta dalku u hoggaansami doonin.

“Waxaanu maanta doonaynaa inaanu ka haddalno Warqad la soo saaray 23-kii Bishan aynu ku jirno oo uu soo saaray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, taas oo u jeeddadeedu ahayd joojinta diiwaan-gelinta Wargeesyada iyo TV-yada oo si ku-meel-gaadha ah loo joojinaayo oo sababta uu ka dhigay inaanay buuxin shurudihii  lagu diiwaangelin lahaa. Iyada oo baahi loo qabo in Xeerkii Saxaafadda wax laga beddelo oo Xeerkaas waxka beddel lagu sameeyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha SOLJA oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Arrintaas waxaad mooddaa in ujeeddada Xeer-ilaaliyuhu ay tahy oo qudha wax ka beddelka Xeerka Saxaafadda inay agtiisa mihiim ka tahay in Xeerka Saxaafadda wax laga beddalo oo lagu daro ciqaab.” “Sharcigu sida uu dhigaayo Xeer-ilaalintu waxay xaq u leedahay inay Xeerka waddanka u yaalla ay ilaaliso ama hay’adaha Xeer-dejintu ay sameeyaan oo dawladda iyo dadkaba kii dhaafa ku soo dabbaasho weeye. Sharciga Saxaafadda Somaliland maaha sharci meel kale nooga yimi, ee waxa ansixiyay Barlamaankeenna, Madaxtooyada ayaana laga dhaqan-geliyay, xilligii ay Xukuumadda maanta jirtaa Mucaaradka ahaydna waxay ka soo hor jeedday ciddii Xeerkaas ku dhaqmi wayda.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Garyaqaanka Ururka SOLJA Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan Xaaji Nuur oo tafaasiil ka bixiyey waxay arrintan oo kale ka qabaan Dastoorka iyo Shuruucda kale ee dalka Somaliland u yaallaa. Waxaanu yidhi; “Waxaannu eegaynaa Dastuurka dalku waxa uu arrintan ka qabo. Qodobka 32-aad  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fasaxayaa Xorriyadda Saxaafadda waxaanu sheegayaa Qodobkaasi inuu muwaaddin kastaa uu fikirkiisa  xor u yahay kuna soo badhigi karo haddal, qoraal, gabay I,w,m.”

“Farqadda saddexaad ee isla qodobkaas ayaa caddaynaysa inay ka mid tahay Saxaafaddu xorriyadaha aas aasiga ah. Xorriyaadaha aas-aasiga ah qodobka 21-aad ee Dastuurka ayaa masuuliyiinta Qaranka si cad u faraya inay u hoggaasamaan, isla markaana loo fasiro si waafaqsan Xeerarka caalamiga ah.

Haddaba, Xeerka uu tilmamaayo qodobka 32aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland in lagu nadaaminaayo Xeerka Saxaafadda ay tahay hawlaha Saxaafaddu ay qabato, ,waa Xeerka Saxaafadda ee lambarkiisu yahay 27, oo soo baxay 2004tii.” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

Garyaqaanka oo tafaasiishiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Qodobka 5aad ayaa Xeer-ilaaliyaha awood u siinaaya inuu Saxaafadda diiwaan-geliyo waxaanu sheegayaa cidda xaqa u leh inay is diiwaan-geliso.

Waxaanu tilmaamayaa qof kasta oo Somaliland ah oo shirkad leh, qof kale ama keligii  inuu isu diiwaangelin karo Saxaafadda. Doorka uu ku leeyahay Xeer-illaaliyaha Guud maddaama dastuurku xaquuqdaas bixiyay waa inuu maraa qodobka 7aad ee Xeerka Saxaafadda, oo ah magaca mulkiilaha, magaca hawl-qabadka Saxaafadda iyo magaca Tifaftiraha iyo magaca ciiwaanka shuruudaha Saxaafadda looga baahan yahay waa ku waas. Markaa, waxa weeye inaanu Xeer-ilaaliyuhu jeebaddiisa ka keesan karin shuruudo.”

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Xukuumaddan waxaannu leenahay Horyaal baad Tunka ku sidatay oo tii Rayaale ayaa ka xishootay inay tidhaahdo bixin mayno Rusqadaha Tifiiyada iyo Wargeysada. Waxaan leeyahay Md. Madaxweyne Xeerka Saxaafadda ee noo yaalla ha lagu dhaqmo.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.