Berbera,30,Nov,2011-(Berberanews)-Gudoomiyaha Ururka la baxay WADANI ee aan weli ku soo bixin sharciyadda lagu kala reebayo u tartamayaasha ururada siyaasadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka si diiran loogu soo dhaweeeyay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigiisa oo saaka ka soo kicitimay Caasimada Hargaysa, ayaa intii ay ku soo jireen safarkooda waxay xafiisyo ka fureen, Degmooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa
Weftiga waxa duleedka Magaalada Berbera kaga hortegay gaadiid iyo dadwayne aad u farabadan oo iyagu ilaa subaxii hore ee saaka diyaar u ahaa soo dhawaynta Gudoomiye Ciro iyo waftigia ka socda WADANI ,kuwaasoo lagu soo wareejiyay jidadka magaalada Berbera.
Gudoomiye Ciro oo dadwaynahii soo dhaweeyay kala hadlay Xafiiska urukoodu ka furtay Magaalada Berebera, ayaa ka hadlay muhiimmada wada-tashiga ee Somaliland kaga soo gudubtay carqalado fara badan, waxaanuu yidhi, “Somaliland waxay dooratay in arimahaeeda ku dhamaysato wadaha,l wada xaajood, is qadirin,iyo isu tanaasul, Somaliland waxay dooratay nidaam talo wadan dimiqraadi ah oo ay ka doorataykalitalisnimo iyo digtaatooriyad.
Somaliland waxay soo martay marxalado badan oo mid waliba waayahiisa lahaa; Somaliland waxay dooratay nidaam talo waadaag oo ay arrimahheeda ku xalisao waxaan leeyahay waxii intaas dhawaacay aan wax ka wada qabano.
Waxaynu ku faanaynaa Wadinayada, waxay jaar la nahay Wadamo badan oo aanay ka jirin Nabadgalyada aynu haysano,walaalayaal Marwooyin iyo dhalinyaro, Ururka Wadani waa Urur u taagnaan doona Horumar, Daacnimo iyo ilaalinta nadabgalyada Wadanka, walaalayaal Wadani waxaa Ururka wadani waa urur la wada leeyahay, waana Ururkii u horeeyay ee isdiiwaan galiya, ee bixiya lacagtii Diiwangalinta, Lacagtaasna waxaa bixiyay dhamaan Bulshada Somalialand, sida Dhalinyaro, dhakhaatiir, Aqoonyahan, qurbajoog, naafo, haween, iyo Geelaha Berbera way bixiyeen Lacagtaa Diiwan galinta..”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inuu dalku u baahanyahay isbedel , “Waxaa Maanta Dalku u baahanyahay Isbedel lagu dhamaystiro waxaa inaga dhiman, xisbigana waad aragtaan fir fircoonida ka muuqato waxaan rajaynayaa inuu noqdo saddexda xisbi ee ee u tartami doona madaxtinimada dalkeena.”
Waxaa isnaa halkaa ka hadlay Dr. Idiris X. Nuur, oo ugu baaqay Bulshada reer Berbera in ay taageeraan Xisbiga WADANI, maadaama oo uu yahay xisbiga ka soo jeeda Gobolka Saaxil.
khadar Jaamac Xaashi
Berberanews,Berbera