Hargeysa, 30, November 2011 (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ku bixiyey in Maxkamadda Ciidammadu tagto jiidda hore ee= Ciidammada Qaranku ku sigan yihiin ee Bariga Gobolka Sool, ka dib markii Askar Booliska iyo Millateriga ka kala tirsani isku dheceen, isla markaana isku dhacoodu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Sidaa waxa sheegay Taliyeyaasha Ciidamada Millateriga iyo Booliska Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubbad, oo Shir Jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa kaga hadlay arrintaas Askarta Ciidammadooda ka tirsan dhex martay.
Shaqaaqadan oo la xidhiidha laba Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Millateriga oo rasaas is-waydaarsaday, taasoo keentay dhimashada mid ka mid ah Askartaas. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay wax u dhaceen. Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in gaadhi ay leeyihiin Ciidamada Qaranku uu ku geddoomay meel u dhexaysa deegaanka Yagoori iyo Laascaanood, shilkaas oo uu ku geeriyooday hal Askar, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la geeyay Cusbitaalka magaalada Burco. “Shil yar ayaa ka dhacay magaalada la yidhaahdo Yagoori, xalay (habeen hore) ayay laba Askari isku qabteen arrin la xidhiidha dhinaca dhaqanka, Saaka (shalay subax) ayaa la damcay in arrintii la xalliyo, intii lagu jiray xalkii arrinta ayuu shilku dhacay, laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Millateriga iyo Booliska ayaa rasaas isku riday, rasaastii waxay sababtay in Askarigii Booliska ahaa dhinto, kii kale ee Millateriga ahaana ay xabbaddii ku dhacday oo ay madaxa fadhido, waxaana la dhigay Cusbitaalka Burco intaas ayaa Yagoori ka dhacday.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranku.
Mar uu Taliye Nuux Taani ka hadlayey khasaaraha ka dhashay Gaadhi Ciidanka Qaranku leeyahay oo dhacay, waxa uu yidhi; “Dadbaa ka soo gurmaday Laascaanood, markii ay dadkaasi noqonayeen gaadhi ciidanku leeyahay oo Askari saarnayd oo u badnaa ehelada Askariga geeriyooday ayaa isaguna meel Canjiid la yidhaahdo ku geddoomay, halkaas hal Askari ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa dhaawac, waxaana la keenay Burco. Shirka jaraa’id-na waxaannu u qabannay in wixii xaqiiqda ah ee jira la idiin sheego, tallaabada dawladdu ka qaaddayna waxa weeye ninka dhaawaca ah maahee nin kale ayaa la sheegay inuu ninka dhintay dilay, kiina waa haynaa, waana la baadhayaa, Madaxweynuhuna wuxuu amar ku bixiyay in Maxkamadda Ciidamadu tagto, si wixii arrintaas ku lug yeesha oo dhan tallaabo sharci ah looga qaado.”
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa sheegay in dhacdadan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Boolisku, isla markaana la baadhayo qaabka wax u dhaceen. “Arrintan oo kale waa iska caadi way dhacdaa, waa laba qof oo afkii isla seegay, horena way u dhacday ee ma cusba. Arrintiina Booliska ayaa la wareegay oo baadhaya.” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com