Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta Burco gaadhay iyo magaalada oo dad la ciirciiraysa

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa mar dhawayd barqadii gaaadhay magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo uu isla maanta gelinka dambe ka furmi doono tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee gobollada dalku.

Md. Cabdiraxmaan-Saylici ayaa ujeeddada safarkiisu tahay inuu soo furo tartanka Kubbadda Cagta gobollada dalka Somaliland oo maanta galinka dambe si rasmi ah uga furmi doona garoon muddaba loo sii diyaarinayey oo ku yaalla magaalada Burco.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Weftiga la socda, waxa ka sii horreeyey oo maalmahanba Burco ku sii qulqulayey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan Guurtida iyo Wakiillada, Ciyaartoyda gobollada dalka, Suxufiyiin kala duwan iyo dadweyne tiro badan oo halkaa u tagayo Ciyaaraha maanta ka furmaya.

Magaalada Burco ayaa sida ay ku soo warramayaan Weriyayaashu waxay la ciirciiraysaa kumannaan qof oo habeenkii iyo maalintii u dambeeyey halkaa gaadhay. Waxa la buux-dhaafiyey Huteellada Hurdada iyo sidoo kale goobaha laga cuntooyo fara badnida dadka Burco gaadhay awgood.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo maalmihii u dmabeeyey ku sugnaa magaalada Burco, ayaa shalay Warbaahinta u sheegay inay dhammaystireen guud ahaan hawlihii looga baahnaa iyo diyaargawgii Ciyaaraha gobollada, isla markaana ay Burco ku wada sugan yihiin Xululka siddeedda gobol ee ku soo baxay tartankii is-reeb-reebka gobollada. Waxaanu Wasiirku xusay inay gelinka dambe ee 1-da bisha December 2011 oo Khamiista maanta ku beegan ay rasmi u furmi doonaan Ciyaaraha gobolladu.

Ciyaarta maanta gelinka dambe furmaysa ayaa dhexmari doonta Xulka gobolka Martida loo yahay ee Togdheer iyo Xulka gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) oo ah Xulalka lagu furi doono tartanka gobollada ee maanta bilaabmaya sida ay toddobaadkan shaaciyeen Guddiga Xidhiidhka Ciyaaraha Kubadda Cagta Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.