Gabiley-01,Dec,2011-(Berberanews)- Siddeed qof, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen isku dhaca laba baabuur oo noocuudu yahay Toyota Mark, kuwaasoo ka mid ahaa gaadiid tiro badan oo wadada u dhaxaysa Caabud-la’a iyo magaalada Arabsiyo kaga hortegay Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu kicitimay Gobolka Gabiley saaka.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, ayaa saddex ka mid ah dhaawacyadaas oo la geeyey Cusbitaalka magaalada Gabiley booqday, isla markaana Illaahay uga beryey guud ahaanba dadka dhaawacyadu soo gaadheen inuu caafimaad siiyo. Shanta qof ee kale ee dhaawaca ah, ayaa la geeyey Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa.
“Khasaaraha ugu weyni waa ninka gacantu goday oo la yidhaahdo Yuusuf-Daballule (Guddoomiyaha Awal Galbeed, laba qof oo feedhaha ka jajabay. Dhaawacyo kal duwan oo madaxa iyo meelo kalaba leh ayaa dadka inta kale soo gaadhay. Labada Baabuur way is-galeen, waddadana way is kala baxeen oo iyagu halkaasay ku burbureen.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Siciid oo ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahinta ula socda Weftiga Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.
Weftiga ayaa caawa ku sugan magaalada Gabilay, iyada oo la filayo inuu maalinta Berri ah uga sii ambabaxo gobolka Awdal.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.