Jabuuti-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa daboolka ka qaaday inaanu mar dambe isu soo taagi doonin doorashada Madaxtinnimada dalkiisa, ka dib markii doorkii saddexaad sannadkan lagu doortay, isaga oo xusay inuu xilka ka degi doono 2016 oo ay ku dhammaanayso muddada xilka inuu hayo loo doortay teeramkii saddexaad.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Wargeys Afka Faransiiska ku soo baxa oo la yidhaahdo Weekly Jeune Afrique, isagoo Wareysiga ku sheegay inuunu diyaar u ahayn inuu mar afraad u tartamo xilka Madaxweynimo ee dalkiisa. “Sannadka 2016 waxaan doonayaa inaan ka tago xilka Madaxweynimo, waayo? Saddex jeer ayaan doorasho u tartamay, waxaanan doonaynaa inay markan noqoto markii iigu dambeysay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynha Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la weydiiyay su’aal ahayd inay jiraan warar sheegaya in isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisu ay doonayaan in marka uu xilku ka dhammaado ay qaab qoxoontinimo ah ugu noolaadaan Itoobiya ama Sucuudiga midkood, ayaa sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirn ee ay tahay dacaayad, isla markaana ay joogayaan dalkooda hooyo.
Sidoo kale, mar la weydiiyay sababta uu ciidammo ugu dirayo Soomaailya ayaa wuxuu sheegay in sababtu ay tahay si ay Jabuuti qayb uga noqoto howlgallada lagu doonayo in nabad lagu soo celiyo Soomaaliya, kaasoo ay qayb ka yihiin Kenya, Uganda iyo Burundi.
Madaxweyne Geelle oo la sii weydiiyey inuu ka baqayo in Al-shabaab ay weerarro lasoo beegsadaan dalkiisa ayaa sheegay inay taasi tahay khatar muuqata, balse uu rajeynayo inay ka hortagaan, wuxuuna sheegay in Jabuuti ay ka fog tahay Somalia.
Ugu dambeyn, Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sheegay in Budhcad-badeeddu ay saameyn ku yeelatay dalkiisa, isagoo sheegay in dhibaatooyinka dunida ay ku hayaan ay qayb ka tahay Jabuuti, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto dagganaasho la’aanta Soomaaliya ka taagan muddada dheer, oo uu ku tilmaamay inay sabab u tahay Budhcad-badeeddu.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.