Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaliland oo Kooxo Dhakhaatiir Gurmad ah u Dirtay Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil oo Xoolo Geel u Badani ku Madheen.

Berbera,02,Nov,2011-(Berberanews)-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa Maanta Koox Dhakhaatiir Gurmad ah, u dirtay Tuulada Ceel-Baxay oo ka tirsan Degmada Laas-ciidle ee Gobolka Saaxil, oo Maalmahii u danbeeyay, ka soo yeedhaysay qayla dhaan Caafimaad Daro oo Xoolahii Deegaankaas Joogay Gaar ahaan Geela, Xanuuno aan wali la aqoonsani u madhanayaan, Goobahaas oo inta badan Xoolaha lagu dhaqdaa u badan yihiin Geel, Maadaama oo ay tahay dhul Xeeb u badan.

Isu Duwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Saaxil, Cali Maxamuud Gulleed, oo aanu arinkan wax ka waydiinay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii ” waxa ay qayla dhaan Caafimaad daro naga soo gaadhay, Tuulada Ceelbaxay oo ka tirsan Degmada Laas-ciidle, qaylo dhaantaas oo ah in Xoola Deegaankaasi oo u badan Geela, uu Xanuun laayey, markaa anakuna waxaan la xidhiidhnay Wasaarada Xanaanada Xoolaha, ka dib waxay noo soo direen, Koox Dhaakhaatiir Xoolaha ah, markaa Gobol ahaan anakuna waxaay raacinay, Shaqaale, Dawooyin iyo Gaadiid, si ay u soo daweeyaan una soo baadhaan Xanuunadaas Xoolaha laynaya, waxay joogi doonaan muddo Deegaankaas iyo nawaaxigiisa si at arintaa uga gun gaadhaan” ayuu yidhi Isu duwahu.

Dhakhaatiirta Xoolaha

 
Deegaanada xaga beri ka xiga Magaalada Berbera, oo badankoodu ah Xeeb, ayaa dhawr jeer oo hore laga soo dayriyey Xoolaha Deegaankaas, oo ay xanuuno ku dhaceen, waxaana adag sida inta badan xog looga helo maadaama oo ay marista wadooyinkoodu adagtahay, waxaana taga oo kaliya Gaadiidka leh Sangeerka ama Gaadiidka mari kara Ciida iyo Saxaraha.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews,Berbera