Burco-,03,Dec,2011-(Berberanews)Xulka Gobolka Hawd ayaa maanta 1-0 kaga badiyay xulka gobolka Sanaag ka dib markii ay dhex martay ciyaar aad u adkayd oo qaybtii hore laysku mari waayay, balse qaybtii danbe waxa gool aad u qurux badnaa xulka Gobolka Hawd u saxeexay Ciyaaryahanka KhaalidAxmed Gaboose (Siiga) , oo a numeberka 13-aad u sitay xulkaa Hawd.
Goolkaa oo dhashay qeybtii dambe ee oo bedel ku soo galay ciyaarta daqiiqado ka hor xiligii uu dhaliyay goolkaasi, waxaanu goolkaasi si weyn uga farxiyay xulka gobolka Hawd oo sii kordhiyay weerarkoodii, halka xulka Gobolka Sanaagna ay weeraro aan kala go’o lahayn ku qaadeen goolka xulka Hawd, waxaanay awooda saareen sidii ay gool u dhashan lahaayeen, hase yeeshee waxa gaashaanka u daruuray difaaca xulka Hawd.
Ciyaartan oo ahayd tii sadexaad ee la ciyaaro intii uu socday tartanka ciyaaraha goboladdu, ayaa noqonaysaa tii u horeysay ee la kala badiyay iyadoo labadii ciyaarood ee hore ay bar bar dhac ku dhammaadeen.
Khaalid Axmed Gaboose (Siiga) oo ahaa ciyaartoygii goolka guusha u dhaliyay xulka gobolka Hawd, oo ciyaartaasi ka dib ka hadlay dareenkiisa wuxuu yidhi “Horta dareenkayga iyo shucuurtaydu aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan rajaynayaa inaanu guusha qaadno.”
“Guusha Gobolka Hawd u soo hoyatay waa mid aanu dedaalkayaga ku keenay, badiskan aanu ka badinay xulka gobolka Sanaag wuxuu furfurayaa ciyaaraha gobolada, iyadoo ay goboladii hore u ciyaaray ay barbar dhac noqdeen,”ayuu yidhi Buraale oo ka mid ah Guddida qaban qaabada ciyaartoyga gobolka Hawd.
Waxaanu intaasi ku daray “Baqdintii laga qabay gobolka Hawd way dhammaatay waxaanan leeyahay goobtu waa gobolka Togdheer guushuna waa gobolka Hawd.”
Labadan kooxood ee ciyaartu dhexmartay waxay ku wada jiraan qeybta A (Group A), waxa kale oo ku weheliya xulalka gobolada Maroodijeex iyo Togdheer oo iyagu ahaa labadii xul ee lagu furay ciyaaraha gobolada khamiistii todobaadkii hore, kuwaas oo ciyaartoodii ku dhamaatay 1-1 gool.
Waxaana maalinta bari lagu wadaa inay wada ciyaaraan xulalka Saaxil iyo Gabiley oo kuwa jira group-ka B.