Haweenay Soomaaliyeed oo Maxkamad Maraykanka ah ka hor qiratay inay dhaqaale u dirtay Al-shabaab

San Diego-(Berberanews)- Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa ka hor qiratay maalintii Khamiista maxkamad federaal ah inay lacaago iyo shaqsiyaad dagaalama ku taageertay Kooxda Al-shabaab.

Nimco Yuusuf oo 25 sanno jir ah ayaa sheegtay inay jiraan afar qof oo Soomaali-Mareykan ah oo ay la gashay heshiis ku saabsan inay dhaqaale iyo rag dagaalama u dirto Al-shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay dhaqaale ku bixin jirtay dagaallada ay ku jiraan Al-shabaab, iyadoo og inay yihiin koox dalka Mareykanku uu ku daray liiska kooxaha argagaxisada ah ee dunida, iyadoo intaas ku dartay in dhammaan waxyaabihii ay u dirtay ay ahaayeen kuwo sharci-darro ah.

Afarta nin ee ay sheegtay inay howshan kula heshiisay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Cabdilaahi Xasan, Cabdisalaan Xuseen Cali, Cabdilaahi Axmed Faarax iyo Cabdiweli Yaasiin Ciise.

Cabdillaahi Faarax ayaa hore loogu eedeeyay inuu dalka Mareykanka ka diray saddex dhallinyaro Somali-Mareykan ah si ay ugu dagaalamaan Al-shabaab. Iyadoo mid ka mid ah la rumeysan yahay inuu fuliyay weerar dhacay bishii October sannadkii 2008-da.

Nimco Yuusuf ayaa qiratay inay Kooxda Al-shabaab u dirtay $1,450 iyadoo sii marisay Maxamed Cabdilaahi Xasan. Sidoo kale Cali, Faarax iyo Ciise ayaa la sheegay inay intii u dhexeysa bilihii Feberuary iyo November ee sannadkii 2010-ka ay ku sugnaayeen Soomaaliya iyagoo u dagaalamay Kooxda Al-shabaab.

Haweeneyda Soomaali-Mareykanka ah ayaa laba jeer oo ay wareysi siisay FBI-da Mareykanka waxay dafirtay inay dhaqaale ay ku taageerayso Al-shabaab ay u dirtay dalka Soomaaliya.

Nimco oo ku nool San Diego ayaa lagu wadaa in la xukumo bisha Feberuary ee 2012-ka, iyadoo inta muddadaas ka horreysa xidhnaan doonta. Waxaana laga yaabaa in lagu xukumo 15 sanno oo xabsi ah iyo $250,000 oo ganaax ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.