Boosaaso-(Berberanews)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud (Faroole), ayaa ka hadlay Dab xalay halakeeyey magaalada Boosaaso oo ka kacay Suuqa ugu weyn magaaladaas, isla markaana khasaare badan gaadhsiiyey hanti badan, isla markaana la sheegay in hal qof ku dhintay dhawr kalena ay ku dhaawacmeen, dabkaas oo illaa saaka hadba meel ku sii siqayey.
Madaxweyne Faroole waxa uu tacsiyadeeyay dhammaan dadkii uu khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaasi oo kacay abbaaro 9:30-kii habeennimo ee xalay. Waxaanu Madaxweynuhu sheegay inay arrintani tahay mid dabiici ah oo uu Alle keenay. Suuqa Boosaasana uu ahaa mid aan si wanaasgan loo habayn dowladduna ay waday dadaallo badan oo wax looga qabanayo xaaladda Suuqaas, iyagoo la kaashanayo dowladda hoose ee degmada Boosaaso.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhanka kale sheegay inay u saareen Guddi soo baadha sida ay wax uga dhaceen Suuqaas, isla markaana ay ka war sugayaan xogta ay Guddigaasi keenaan. Khasaaraha dabkaani uu gaystay marka laga yimaaddo hantida baaxadda leh waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal ruux iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo dabka ka dhashay.
Dabka Suuqa Boosaaso xalay qabsaday waa kii ugu horreeyey noociisa ee abid ka kaca suuq ku yaalla deegaannada Puntland; waxaana hantida ku baaba’day lagu qiyaasi karaa malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah, arrintaasoo noqonaysa mid saameyn muuqata ku yeelan doonta bulsho-weynta ku dhaqan Boosaaso ee gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, iyadoo Boosaaso ay ahayd xarunta dhaqaalaha Puntland ka soo boxo, maaddaama oo ay tahay magaalo-xeebeed Bad iyo Deked leh oo ay Puntland iyo qaybo Soomaaliya koonfurta ka mid ahba wax uga soo degaan, waxna uga dhoofaan oo ay ahayd xarun Ganacsi ta ugu weyn Puntland.
Suuqa weyn ee magaalo xeebeedka Bosaaso aya xalay ilaa saaka gubanaya iyada oo qeybo badan oo suuqaasi ka mid ihi uu gebi ahaanba shuf beelay. Suuqa oo ilaa xalay gubanayay ay ciidamada gurmadka iyo shacab isxilqaamay ay wadeen dedaalo lagu deminayo dabka,balse ilaa saaka suuqu waa uu gubanayaa. Ciidamada amaanka Puntland ayaa waday ilaa saaka dedaalo ay isaga hortaagayaan dad doonayay in hantida suuqa taala ay ku gurtaan. Ma cada ilaa iminka sababta dabka dhalisay balse waxa muuqda in qeybihii ugu muhiimsanaa ee suuqa ay gebi ahaanba gubatay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.