Shir lagaga hadlayo ammaanka dalka Somaliland oo ay Wufuud Caalamiyi isugu timi oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa-(Berberanews)- Shir ballaadhan ay Qaramada Midoobay, dawladda Somaliland, Midawga, Yurub, Urur-goboleedka IGAD iyo Ururrada bulshada ee waddaniga ahi isugu yimaaddeen, isla markaana ujeeddadiisu tahay in lagu qiimaynayo arrimaha nabadgelyada Somaliland iyo sidii loo horumarin lahaa, ayaa maanta ka furmay Huteel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa.

Waxa Shirkaas oo ah kii ugu ballaadhnaa ee noociisa ah ee nabadgalyada Somaliland lagaga hadlo, waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada arrimaha dibada Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, Booliska, Illaalada Xeebaha iyo Asluubta, Ururrada Bulshada, Xubno ka socday Hay´addaha Qaramada Midoobay ee Xafiisyada ku leh Caasimadda Hargaysa. Shirkan waxa soo qaban-qaabiyey Xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo furitaankii Shirkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay, isla markaana lagu darsaayo arrimaha la xidhiidha Ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga dalka. Shirkani waxa uu socon doonaa muddo laba cisho ah ujeedada laga leeyahay waxa weeye in laga wada hadlo qaabkii loo kobcin lahaa Ammaanka guud ee Qaranka iyo meelaha u baahan in la xoojiyo, waxaanu sheegay in Sanadkiiba hal mar la qaban doono shirkan oo kale.

Ujeeddada shirkan, ayaa ku arooraysa xidhiidh dhexmara halbawlayaasha Somaliland u xejiya muhiimadda habsami u socodka nabadgelyada, ka hortagidda hanjabaad iyo halis wax u dhimaysa ammaanka muwaadiniinta Somaliland. Shirka oo muddo laba maalmood ah socon doona, ayaa la filayaa in martida ka qaybgalaysaa ay isku raaci doonaan hannaan qeexan oo khuseeya wakhtigan xaadirka ah, mid dhexdhexaad ah iyo ka mustaqbalka dheerba laga bixiyo falanqayn iyo soo jeedimo laga faa’iidaysan karo sidii loo kobcin lahaa, loona horumarin lahaa qaybaha nabadgelyada ee la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Somaliland.

Sida uu Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar Saxaafadda u sheegay inuu yahay mid wada-tashi iyo qiimayn ah waxa la rejaynayaa in lagu qaadaa-dhigo hawlo wadahadal iyo xidhiidhin ku saabsan Qiimaynta arrimaha Ammaanka Somaliland; derder-gelinta rabitaanka siyaasadeed, aqbalaad iyo dhismaha hoggaamiyayaal maxalli ah iyo fahamka guud ee laga qaadan karo sii wadista hawl ballaadhan oo la xidhiidha qiimaynahaas la xidhiidha arrimaha nabadgeliyada Somalialnd.

Waxaana shirkaa ka hadlay Madax kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Safiirka Masar ee Soomaaliya, Xubno ka socday Urur-goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkan oo la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka dalbaday Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland kala shaqeeya dhinacyada nabadgelyada, waxa laga filayaa gebogabadiisa in go’aammo cad cad oo ammaanka Somaliland wax ku kordhin kara laga soo saaro. Waxaanu soo xidhmi doonaa galinka dambe ee Axadda Berri.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.