Hargeysa, (Berberanews)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf ayaa shalay magacaabay guddiyo kala duwan oo ka shaqaynaya socodsiinta hawlaha ururka.
Guddiyadan oo xubnaha loo magacaabay ka tirsanyihiin guddida fullinta SOLJA ayaa waxa ay u qaybsan-yihiin saddex waaxood oo kala ah guddida tayaynta, guddiga ilaalinta xuquuqda saxafiga iyo saxaafada iyo guddiga maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta dalka Somaliland.
Magacaabistan oo guddoomiyaha SOLJA ka jeediyay fadhi caadi ah oo bil kasta ay isugu yimaadaan guddiga fullinta ururkaasi, kaasoo shalay ka dhacay xarunta Guud ee ururka Suxufiyiinta SOLJA.
Qoraalka guddoomiyuhu ku magacaabay guddiyadan oo dhameystirani waxaa ay u qorayd sidan; “Sidda uu dhigayo xeerka ururka Suxufiyiinta ee Solja, qodobkiisa 6-aad, farqadiisa 1-aad, kaas oo qeexaya hawlaha ay qaban karaan xubnaha guddiga fullintu, waxaa ii muuqatay baahida loo qabo sameynta guddiyo ka tirsan xubnaha guddiga fullinta ee ururka oo ka hawl-gela arrimaha muhiimka ah ee ururku uu ka shaqeeyo, sidaas awgeed, waxaan magacaabay saddexda guddi eek ala ah:
1.Guddida tayaynta.
Mustafe Sh. Cumar Geeddi
Maxamed Siciid Cabdillaahi
Cali Jaamac Maxamed
2- Guddida ilaalinta xuquuqda
Barkhad Maxamed Kaariye
Maxamed Cabdi Curad
Maxamed Axmed Jaamac
Nimco Samriye
3- Guddida maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta
Sahra Cabdiwahaab Sh. Axmed
Keyse Axmed Digaale- Togdheer
Cabdisalaan Xariir – Saaxil
Axmed Faarax Ilyaas – Sool
Cali Ismaaciil Aare – Awdal
Fg; Waxay guddida fullinta ee ururka Suxufiyiinta ee Solja isla garteen in uu Gobolka Sanaag Wakiil uga noqdo Cabdilaahi Xusseen Darwiish oo ka tirsan ururka, balse aan ka mid ahayn guddida fullintu.