Burco.04,Dec,2011-(Berberanews)- Ciyaartoyga Gobollada Saaxil iyo Gabiley oo ciyaar aad u adag, una xanmaasad badani ku dhexmartay Garroonka Alamse ee ay ka socdaan tartanka ciyaaraha kala duwan ee Gobolladu, ayaa isla dhaafi waayay barbar-dhac 1-1.
Labada kooxood oo ciyaar weerar iyo weerar celis u badan dhexmartay, ayaa qaybtii hore ku dhammaatay 0-0 ay isku mari waayeen, haseyeeshee markii laysugu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta, ayaa Gobolka Gabiley keensaday goolkoodii koowaad, balse ciyaartoyga Gobolka Saaxil, ayaa iyaguna bilaabay weeraro hallis ah, ka dib, ayaa kabtanka Kooxda Saaxil ee lambarka afraad qaata ool magaciisu yahay Cabdiraxmaan Boodhe shebegga Gabiley ku hubsaday gool ka mid ah ah goolashii ugu layaabka badnaa intii ciyaaraha gobolladu socdeen, isagoo ka soo laaday meel 25 mitir u jirta Goolka, kuna hubsaday shabaqa, kaasoo noqday goolkii barbar-dhaca labada kooxood.
Taageerayaasha Gobolka Saaxil, oo aad u xammasadaysan, ayaa isku dhubay garroonka markii goolku dhashay, kuwaasoo kor u qaaday ciyaartoyga dhaliyay goolka barbar-dhaca.
Tan iyo intii ciyaaraha gobolladu ka bilaabeen garroonka kubadda Cagta Berbera Gobollada Saaxil iyo Gabiley waxay noqonayaan gobolladii saddexaad ee Barbara isku mari waayay, kuwaasoo kala ah Gobollada Marooji-jeex Vs Togdheer, Awdal Vs Sool iyo Saaxil iyo Gabiley, halka ciyaartii shalay ee dhexmartay ciyaartoyga gobollada Hawd iyo sanaag ay ku kala baxeen 1 gool oo guushu ku raacday Gobolka Hawd.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com