Guddidii lagu doortay shirkii Dubur ee Beesha Saaxil oo si kulul u eedeeyay Badhasaabka Saaxil, Baaqna u diray goleyaasha Qaranka. Daawo Video



Berbera-(Berberanews)- Guddida beelaha Ciise Muuse ee lagu soo doortay shirkii Dan iyo Duco ee 29/09/2011 ka dhacay deegaanka Dubur kana koobnaa 41cxubnood ayaa maanta shir jaraa;id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Berbera waxa ay eedayn ba’an u jeediyeen Badhsaabka Gobolka Saaxil  iyagoo baaq culusna u diray xukumada iyo golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka.