Ceerigaabo-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland ayaa sii daysay dad loo qabqabtay afduub ay kula kaceen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).
Wararka ka imanaya magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ay amar buuxa ku bixiyeen in la sii daayo kooxdaasi oo tiro ahaan dhammaa tobaneeyo lagu qabtay dagaal dhexmaray ciidammada Qaranka oo bishii ka dhacay Ceerigaabo. Sii daynta Maleeshiyadan oo ka soo jeedday beel ka mid ah kuwa gobolka Sanaag ayaa ka dambaysay heshiis laga gaadhay aanooyin hore oo ka dhashay dad rayid ah iyo masuuliyiin ka tirsan ciidanka Booliska oo laba beelood ay siteel-teel ah u kala dileen.
Go’aankan Xukuumadda Somaliland ku sii daysay Maleeshiyadan oo hore isugu dayey inay afduubaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo wakhtigaa isku dayey inay la hadlaan waxgaradka beesha Koonfurta Ceerigaabo, balse ay ku guntadeen ilaaladii la socotay iyo ciidanka qaranka oo halkaasi ka dhawaa.
Dagaalka Ciidammada Qaranku ku soo qabteen Maleeshiyada la sii daayey ayaa waxa ku dhintay saddex ruux oo laba ka midi ahaayeen Ciidamada Qaranka iyo haweenay rasaastu la kulantay, halka ay dhawr iyo toban qof oo Ciidan u badani ku dhawaacmeen.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.