Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyey in gacanta lagu soo dhigo Dablay Dad rayid ah Xalay Mir ku dilay

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku amray Ciidammada Millateriga, Ammaaka, Nabad-sugidda, Wasaaradaha Gaashaan-dhigga iyo Arrimaha Gudaha inay soo qabtaan Gacan-ku-dhiiglayaal xalay dilay saddex nin oo laba ka mid ahi isdhaleen, kuwaasoo lagu dilay meesha la yidhaahdo Seemaal oo u dhaxaysa degmooyiinka Baki iyo Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu maanta kulan deg-deg ah oo uu la yeeshay Wasaaradaha arrimaha gudaha, Gaashaan-dhigga iyo Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee qalabka sida inay dhakhso gacanta ugu soo dhigaan dambiilayaasha dilkaa geystay. Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeneka Madaxtooyada Soamliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu warkaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.  Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.  Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.

Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay. Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.