Somaliland oo Qaramada Midoobay u bandhigtay qorsheheeda shanta sano ee soo socda

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Erayga Qaramada Midoobay Soomaaliya iyo Somaliland uqaabbilsan Augustina Mahiga oo dalka yimi kulan gaar ah la yeeshay, isla markaan u bandhigay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ay Xukuumaddiisu u dejisay inay dalka ku hagto.

Waxaana sidaa Warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo kulanka labada masuul dhexmaray oo ka qabsooay Qasriga Madaxtooyada ka dib Warbaahinta oo aan loo oggolaan inay ka qayb galaan kulankaa maanta uga warramay ujeeddada shirka. Waxaanu Wasiirka oo arrimaha ay Madaxweynaha iyo Danjiruhu ka wadahadleen faahfaahinayaa uu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland/Soomaaliya Augustina Mahiga waxay ka wadahadleen dhawr qodob. Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirka labada maalmood ah ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Hay’adaha dhinaca ammaanka ee beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan.”

“Mr. Mahiga waxa uu ka warramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay Qaramada Midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Ha’yadaha nabadgelyada qaabilsan.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi; “Madaxweynuhu wuxuu uga warramay Wakiilka Qaramada Midoobay qorshaha shan sannadoodlaha ah ee ay Xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha Xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyada bulshada iyo Hay’adaha amnigaba.”

Dhinaca kale, waxa kulankaasi goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.