Hargeysa,05,Dec,2011-(Berberanews)-War-saxaafadeed. “Xisbiga KULMIYE waxa uu si culus u cambaaraynayaa falkii axmaqnimada ahaa ee habbeenkii isniintii ee Dec, 05, 2011 ka dhacay Deegaanka seemaal oo u dhexeeya deegaanka Baki iyo Gabiley, kaas oo lagu dilay saddex nin oo goor habeenimmo ah la miray.
Dilkaas oo ahaa mid sharci darro ah, oo si bilow-aadantinimada ka baxsan loogu dilay dad aan waxba galabsan oo gurigooda iska hurda.
Xisbiga KULMIYE, isagoo dilkaas ka murugaysan waxa uu tacsi u dirayaa qoyayskii iyo ehlada ay ka geeriyoodeen raggaas la dilay.
Xisbiga KULMIYE isagoo soo dhawaynaya go’aanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku amray wax-ka-qabashada falkaas foosha xun, waxa uu ku boorinayaa Hay’adaha xukuumadda ee nabadgelyada u xilsaaran inay fuliyaan tallaabo adag oo si deg deg ah loogu soo qabanayo cid allaale cidii geysatay falkaas foosha xun oo sharcigana la horkeeno.
Xisbiga KULMIYE, waxa uu xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda u soo jeedinayaa inay ku tallaabsadaan hawlgal dhakhso ah oo si dhammaystiran wax loogaga qabanayo xaaladda taagan eek u saabsan falkan foosha xun, si aanay u keenin xasarado kale oo wiiqa nabadgelyada iyo ammaanka guud, iyadoo si mug iyo miisaan leh loo waajaho dhacdadan iyo dhammaan duruufaha ku xeeran.
Ugu danbayn, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha deegaanka falkaasi ka dhacay inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada guud, kana feejignaadaan wax kasta oo doc-wareemaya wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka wallaalaha ah ee danta iyo deegaanku ka dhexeeyo.
Allaa Mahad Leh
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf.