Hargeysa-(Berberanews)- Guddida Caddaaladda Qaranka Somaliland, ayaa isku beddal iyo magacaabis ku sameeyay Guddoomiyayaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka qaarkood. Iyada oo Guddoomiyayaasha la beddalay uu ka mid yahay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa oo laga dhigay Guddoonka Maxkamadda Racfaanka ee isla gobolka laga beddalay.
Sidaa waxa lagu sheegay Digreeto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somalialnd Xuseen Axmed Caydiid. Waxaanu qoraalkaasina waxa uu ud hignaa sidan:- “Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu oo cuskanaya qodobka 106-aad ee Dastuurka Qaranka Faqradiisa 1-aad, taasoo qeexaysa inay Wasaaradda Cadaaladdu u xil saaran tahay fulinta go’aanada Guddida Cadaaladda.
Sidaasi dargeed digreetada Wasiirka Cadaaladdu uu soo saaray waxay u qornayd sidan:- Isku-bedelka Guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha. 1. Axmed Iidle Saleebaan waxa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag, waxa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer.
2. C/raxmaan Jaamac Hayaan, waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa. 3. Axmed C/laahi Bakaal waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Awdal.
4. Cali Suudi Diiriye waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil. 5. Xuseen Aw Diiriye Maxamed waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag.
6. Axmed Saalax Yoonis waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ah waxaana loo magacaabaya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag. 7. Maxamed Jaamac Cashuur waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer.
8. Ibraahim Cabdi Yaasiin waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer . waxa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.
9. C/rashiid Maxamed Maxamud (Duraan) waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex. 10. C/raxmaan Rooble Barre waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal. Waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.
11. Faysal C/laahi Ismaaciil waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka/Degmadda Gebilay.”
Ka saarid Liiska Garsoorka iyo Magacaabid
1. C/raxmaan Sh Cumar Xasan waxa laga saaray Liiska Garsoorka kadib markii shaqada laga waayay. 2. Cumar Sheekh Maxamud Axmed. Waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmadda Laascaanood. 3. Sh Siciid C/laahi Axmed waxa loo magacaabay Maxkamadda Demadda Qoryaale.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.