Hargeysa–(Berberanews)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Djibouti Jaamac Maxamuud Xayd iyo xubno kale ayaa shalay booqasho aan ujeedadeeda la cayimin ku soo gaadhay Somaliland, iyada oo dawladda Jabuuti caddaysatay duullaan dhinaca dhaqaalaha ah oo ay ku bilawday Somaliland.
Inkasta oo imaatinka Guddoomiyaha Baanka Djibouti ee Somaliland ay ku soo beegmayso ugu yaraan toddobaad ka dib markii Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle laga faafiyay warkii uu siiyay Jariirada Faransiiska ah, kaasoo lagu sheegay arrimo si wayn uga horimanaya jiritaanka iyo qaddiyadda Somaliland, ayaan aan si rasmiya loo shaacin ujeedada socdaalkiisa. Guddoomiyaha Baanka Djibouti oo ay shalay koox wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland kaga hor-tageen soo-dhawayntiisa Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport oo ah nin ay isku dhaw yihiin Madaxweynaha Djibouti, ayaan imaatinkiisa warbaahinta dawladu waxba ka sheegin, taasoo ka duwan sida waqtiyadii hore ee uu dalka iman jiray.
Mr. Jaamac Maxamuud Xayd oo imaatinkiisu ku soo beegmay maalin keliya ka dib markii ay Somaliland soo gaadheen koox la sheegay inay ahaayeen lix xubnood oo ka kala socday Shirkadaha TOTAL iyo PIL, kuwaasoo kulamo la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddi uu Madaxweynuhu u saaray la-xaajoodkooda, balse aan shaacin wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamaddaas, ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan in imaatinkiisu uu lug ku leeyahay gorgortanka shirkaddahaas.
“Somaliland waa ay degdegeen, waxay iska samaysteen Calan, Lacag, waxay iskaga dhawaaqeen dal, waxaanay gaadhigii ka hor-mariyeen dameerkii jiidayay.” “Waxaanu u ogolaanay in Baasaboorkooda ay dalkayaga ku soo galaan iyo inay cid metesha halkan u soo dirtaan, waxse intaa dhaafsiisan uma qaban karo.” Weedhahani waxay ka mid ahaayeen waraysigii uu Mr. Geelle toddobaad ka hor siiyay Wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee Jeune afrique.
Si kastaba ha ahaatee, naqdigii Cumar Geelle ee jiritaanka Somaliland oo dad badani aaminsan yihiin inay keentay rabitaanadiisii oo ay isla fahmi waayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo gar-naqsiga TOTAL/PIL ee heshiiskii la laalay oo u muuqda mid abaabulan oo Djibouti dabada ka riixayso iyo weliba imaatinka Guddoomiyaha Baanka Djibouti Mr. Maxamuud Xayd, ayaa dhamaan u muuqda xafiiltan la damacsan yahay in lagu karbaasho Somaliland liqista arrimo ay diiddan tahay xilligan.
Xigasho Wargeyska Ogaal.