Muqdisho-(Berberanews)- Jenaral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo ka mid ah Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya, ayaa Qaraxyada dhawaanahan sida is-daba-joogga ah uga dhacaya magaalada Muqdisho ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dhalinyarada kasoo goostay Al-shabaab ee ku biiray Dawladda Ku-meel-gaadhka ah.
Jan: Yuusuf-Idhac-cadde oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inaanay ahayn wax la oggolaan karo in dowladda oo ka talisa inta badan Muqdisho ay haddana maalin kasta qaraxyo ka dhacaan gudaha magaalada, waxaanu ka duway masuuliyadda weerarradaas Malleeshiyada Al-Shabaab oo inta badan lagu eedeeyo, qaarkoodna iyaduba sheegata iyada oo wakhtigan dibadda looga saaray Muqdisho. Hase ahaatee, taa beddalkeeda waxa uu ku eedeeyey inay dhalinyarada dawladda ku soo biira ee dhinaca Al-Shabaab sheega inay ka soo goosteen ay masuul ka yihiin.
Yuusuf Indha-cadde oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxaan joogaa shan cisho, waxaanan la kulmay magaalo ay qaraxyo iyo dhibaato ka jirto, mana aha arrintaasi mid ay ka dambeyso Al-shabaab ee waxa ka dambeeya dhallinyaradii kasoo goostay ee lagu daray Ciidammada dowladda.”
Sidoo kale, Jeneraalku wuxuu sheegay in qaraxyadu ay yihiin kuwo is daba-joog ah oo dhaca maalin walba, isagoo dowladda ugu baaqay inay wax ka qabato qaraxyada, isla markaana ay baadhitaanno ku sameyso magaalada qaybqayb, lalana xisaabtamo qaybtii ay qaraxyo ka dhacaan. Waxaanu Jan: Indha-cadde soo dhaweeyay soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee kasoo tallaabay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, isagoo sheegay inay xaq u leedahay inay ammaankeeda sugto mar haddii weerarro lala beegsanayo gudaha dalka Kenya.
Hase-yeeshee, eedaynta Janaral Indha-cadde, waxa gaashaanka ku dhuftay, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Masuuliyiin dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Ammaanka Qaranka Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo iyaguna maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, waxaanay sheegeen inaanay ka dambeyn qaraxyada magaalada ka dhaca dhallinta kasoo goostay Al-shabaab, balse ay ka dambeeyso Al-shabaabta ay ka yimaaddeen.
Mas’uuliyiintani waxay sheegeen in maalin walba la qabto dad ka dambeeya qaraxyada lana horkeeno sharciga, iyagoo intaas ku daray in qorshaha Al-shabaab uu yahay in la yidhaahdo Muqdisho ammaan kama jiro.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.