“Ujeeddada Guddigii lagu doortay Shirkii beesha Ciise Muuse ee Dubur may ahayn inay farageliyaan arrimo siyaasadeed ee waxay ahayd horumarinta danaha beesha..” Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil

Hargeysa-(Berberanews)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somalialnd Cabdraxmaan Cawil Xasan, ayaa sheegay  inaanay Guddigii beesha Ciise Muuse ku dooratay shir ay deegaanka Dubur ku yeelatay dabayaaqada Bishii September ee sannadkan ahayn mid faragelisa arrimaha siyaasadda inay noqoto, hase ahaatee, loo doortay inay ka shaqayso horumarinta danaha Beesha.

Agaasimaha guud ee Kalluumaysigu waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed uu maanta soo saaray, kaasoo uu kaga hadlay eedayn iyo cambaarayn oo Guddiga ka soo yeedhay shalay, isla markaana ay ku weerareen Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ay sheegeen inuu ka horyimi inay wada shaqayn yeeshaan Guddiga Beesha.

War-Saxaafadeedka Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda wararka ee Berberanews ee magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxaan doonayaa War-Saxaafadeedkan maanta inaan kaga hadlo eedaymo Guddiga beesha Ciise Muuse ee Dubur lagu doortay u jeediyeen maamulka Gobolka Saaxil, gaar ahaan Badhasaabka. Haddaba aniga oo jecel inaan Guddidaa Saxo,isla markaana qeexo ujeeddadii Guddigaas loo doortay.

Waxaan u sheegayaa xubnaha Guddiga iyo bulshada Gobolka inaan Guddigaa loo dooray inay farageliyaan arrimo siyaasadeed iyo hawlaha Masuuliyiinta gobolka Saaxil, hase ahaatee, waxa loo doortay inay ka shaqeeyaan horumarinta arrimaha Beesha. Sidaa daraaddeed, waxaan Guddiga u soo jeedinayaa inaanay wax faragelin ah ku samaynin arrimaha siyaasadda iyo maamul ee Heer Gobol, ee keliya ay ku ekaadaan socodsiinta iyo dhaqaajinta hawlaha beesha ee loo doortay.

Waxaan mar kale ku celinayaa inaanay ujeeddada aannu Guddigaa ugu doorannay shirweynihii Dubur ee Beesha Madaxdeeda dhaqanka, Madaxdeeda Siyaasadda, Wax-garadkeeda iyo Aqoonyahankeedu isugu yimi dhammaadkii bishii September ee sannadkan 2011, aanay ahayn mid loo doortay arrimo siyaasadeed, ee ay ahayd Guddi loo doortay, xilkooda iyo waajibaadkooduna yahay inay ka shaqeeyaan danaha beesha dibed iyo gudaba.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.