Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland muxuu ka yidhi Dilkii Ka Dhacay Deegaanka Saameel?

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ka hadlay dilkii saddexda qof loogu geystay deegaanka Saameel ee u dhexeeya Baki iyo Gabilay, isla markaana waxa uu Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay gacanta ku soo dhigto ciddii dilkaa ka dambaysay.

“Waxaan doonayaa inaan laba erey ka idhaahdo shaqaaqadii foosha xumayd ee ka dhacday deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya gobolada Gabiley iyo Awdal oo ay sadex qof ku naf waayeen, dhibaatadaasi oo naxdin lahayd, xasillooni-darro ahayd, nabadgelyada dalka iyo wada jirka ummadda. Raad xun ku samayn kari lahayd.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo maanta ka hadlay dilkaas.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo intii uu Xukuumadda ku jiray Guddoomiye u ahaa Guddidii Madaxweynaha Somaliland u saaray turxaan nixinta muran iyo khilaaf dagaal dhaliyey oo ka taagnaa deegaanka Ceel-bardaalle, waxa uu ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabayaasha falkaa geystay.

Waxaanu Illaahay ka beryey inay arrintan xalkeedu fududaato. Gabboose oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan Illaahay ka baryayaa inay arrintaasi noqoto inuu fududaato xalkeedu oo quluubta iyo dadnimadeenu dhammaanteen u wada gurmano inaanay arrintaasi noqon mid saamayn inagu yeelata. Cid kasta oo masuul ah, madaxdhaqameed ah, xukuumad ah iyo waxgaradba waxaan ku boorinayaa kulana talinayaa inaan dab laga sii shidin ee aynu ka shaqeyno sidii dabkaasi loo bakhtiin lahaa,IlAAHAY ayaa qoray qofku saacada uu dhimanayo iyo meesha uu ku dhimanayo, laakiin sababaha qaarkood ayaa yeelan kara saamayn xun.”

“Waxaan Xukuumadda kula tallinayaa maadama oo ay masuul ka tahay muwadiniintu meel kasta oo ay joogaanba inay Nabadgelyo ku seexdaan , waxaan u soo jeedinayaa inay arrintan gacan bir ah ku qabato, dambiileyaashiina gacanta lagu soo dhigo.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Gabboose.

“Dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhayna la dareen siiyo masuuliyadii horeba uga saarayd naftooda inuu sidii ay ahayd u gudanayo, guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaan qoysaskii dadku ka dhinteen waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu cawil khayr qaba ugu bedello, waxaanan kula talinayaa inay samirka adeegsadaan, dagaalna wiil uun baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho qofka samrana ILAAHAY ayaa kaalmeeya,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee daakhiliga.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.