Dawladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo si wada-jira u soo dhaweeyey Cuno-qabataynta Golaha Ammaanku ku soo rogay dalka Eritrea

Addis Ababa-(Berberanews)- Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa soo dhaweeyey, isla markaana taageertay go’aan uu Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa cuno-qabataynta toddobaadkan ku saaray dalka Eritrea, ka dib markii lagu eedeeyay inay taageero Millateri siiso Malleeshiyada Al Shabaab ee nabadgelyo-darrada ka wada Koonfurta waddanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladdaEthiopia Dina Mufti oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan cuno-qabteynta la saaray Eritrea oo uu sheegay inay tahay waddan ku yaalla geeska Afrika, isla markaana hurinaya dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira Soomaaliya.

Waxaanu intaa ku daray Afhayeenka u hadlay Itoobiya in Urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha Caalamka looga baahan yahay inay ka qeyb-qaataan nabadda Sooomaaliya, waxaanu xusay in shaki ku jirin in Eritrea taageero Millateri iyo mid maaliyadeedba ay siiso Al-Shabaab. Waxaanu Madaxda Afrika ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaanba ta Gobolka.

Dhinaca kale, Madaxaweynayaasha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, sheegay inay soo dhawaynayaan go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cunu-qabateynta ku saareen Dawladda Eritrea, oo ay xuseen inay dhibaatooyin badan ku haysa dalalka la deriska iyo kuwo kale oo Qaaradda ku yaallaba.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.