BAAQ KA SOO BAXAY QURBA JOOGTA CIISE MUSE EE UK.

Shir ay isugu yimaadeen qurbo joogta Ciise Muse ee UK maanta oo taariihkdu tahay 6/12/2011 . waxay u soo jeedinayaan madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo in uu si cadaalad iyo wadaninimo ku dheehantahay uu u maareeyo xiisada adag ee ka taagan magaalada Berbera Maalmihii la soo dhaafey.

Hadaba sida laga wada warqabo arintani waxay abuurtey dareen aad iyo aad u xoog badan loona qaatey in ay keeni karto xasilooni daro,fidmo iyo fawdo ka kala dhex abuuranta Dhamaan Degaanka Beeshu degto ee aan maanta u baahneyn in shaki lagu kala dhex rido.
Mudane Madaxweyne waxaa maskaxda saliimka ahi ina sii neysaa in aanu Dalkeena Somaliland ka maarmin Berbera oo khal khal gasha laba sitimaan oo keliya oo Maraakiibtu ku soo xidhan weydo .Sidaa daraadeed waxay qurbo jooga Beesha Ciise Muse ee UK u soo jeedinayaan madaxweynaha in uu tixgeliyo oo ixtiraamo go,aankii Ka soo baxay Shirkii Dan iyo Duco ee beeshu Dubur ku qabsatay Dhamaadkii bishii September 2011. go,aamadaa shirka ka soo baxay oo ahaa in beeshu ka qayb qaadato Horumarinta Degaanada ay degaan gaar’ahaan Waxbarshda ,caafimaadka iyo badbaadada degaanka. sida aynu wada ognahay shirkaasi muu aheyn mid siyaasadeysan ama qarsoodi ah ee waxaa Dawlada uga wakiil ahaa Wasiirka qorsheynta qaranka Mudane :
Sacad Haji Ali shire.
Waxaanu ku boorineynaa dhamaan golayaasha iyo xubnaha dawlada inay u guntadaan arintan cusub ee ka aloosan Gobolka Saaxil taa soo u dhaxeysa Guddidii lagu soo doortey shirkii dubur iyo madaxda gobolka saaxil oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Goblka Mr Ramaax ,hadaan xiisadan aan madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamuud siilaanyo aanu xil iska saarin gudi deg-deg ahna u dirin waxay keeni kartaa cawaaqib xumo hor leh iyo iska hor imaad soo kala dhexgala madaxda gobolka saaxil iyo bulshada inteeda kale.
Dulucda sheekadu waxay tahay in aan madaxda Gobolku ogaleyn Guddida horumarinta ee lagu soo doortey shirkii DAN iyo DUCO iyada oo gudidaasu markii ay isku daydey in ay bilowdo wax qabadkeedii ay madaxda gobolku is hortaagtey meelihii ay booqanayeena loo furi waayey waxanu halkan ka cadeyneynaa hadaanu nahay Beesha Ciise Muuse ee UK in aanu taageersanahy Gudida horumarinta ee lagu soo doortey shirkii DAN iyo DUCO gudidaas oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn ee loo igmaday horumarinta degaanka ay beeshani degto.
Hadaba waxanu mar labaad ku boorineynaa madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo in uu arintan si degdeg ah wax uga qabto waayo maanta uma baahnin in ay dhacaan dhacdooyinkii murugada lahaaa ee aynu soo marney iyada oo ay saaxil tahay HALBAWLAHA wadanka oo aaney ka soo waaqsan karin falal xun oo ka dhaca. Waxaanu isla markaa fareynaa madaxda Gobolka Saaxil sida Gudoomiyaha Gobolka mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramax in uu ka daayo hagardaamada iyo is hortaaga uu is hortaaagayo gudidan aanu u igmaney horumarinta Gobilka Saaxil.
Isla Baaqan waxay qurbo joogta Beesha Ciise Muse ee UK u jeedinayaan bulsho weynta Ciise Muse in ay xiisada dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan.
Waa Bilahi Tawfiiq
Gudida Fulinta CM ee UK
London.
>