Dacarbudhuq-08,Dec.2011-(Berberanews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax, ayaa xadhiga ka jaray dhismaha Xarun loogu tallogalay Waxbarashada iyo Madadaalada oo ay Hay’adda UNIEC ka hirgelisay magaalada Dacarbudhuq ee Degmada Laasgeel.
Xaruntan oo ay maalgelisay Dawladda Japan waxa munaasid loo sammeeyay furitaankeeda ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil, Madaxa Hay’adda Unicef ee Somaliland Miss Ettie Higgins, Masuulliyiinta ururka DASDO oo iyagu ku guulaystay gacan-ku-haynta xarunta, Guddoomiyaha Degmada Laasgeel, aqoonyahan iyo qaar ka mid ah dadweynaha Dacarbudhuq.
Guddoomiyaha Ururka DASDO Axmed Ismaaciil Cabdi, oo ugu horayn ka hadlay munaasibadda furitaanka Xaruntan, ayaa faahfaahiyay waxyaabaha lagu baran doono xaruntan,waxaannu yidhi, “Goobtan aynu joogno dhaqaalaha waxa bixisay JAPAN, waxa fulisay UNICEF, Xarun ujeedooyin fara badan loogu tallogalay, waxaannu annaguna ballanqaadaynaa inaanu si siman ugu faa’iidayn doono bulshada ku dhaqan deegaanka, haday tahay dhinacyada waxbarashada, wacyigelinta iyo waxyaabaha kale ee la xidhiidha.
Waxyaabaha lagu baran doono Xatuntan waxa ka mid ah in bulshada la baro wax wada qabsiga iyo iskaashigu inuu gudahoodu ka yimaado, iyagoon cid kale gacan ka helin. Ilaahay waxan ka baryayaa maalin aan fogayn inay xaruntan ka soo baxaan midho horumar leh oo wax abuuri kara. Waxa ka mid ah waxbarashada ta dadban iyo ta tooska ah, waxay la gaadhay heer dadkii laxaadka la’aa ee guryaha joogay inta baaskiil lagu soo riixo in la keeno goobaha waxbarashada. Anagoo taa ka duulayna odayaasha ugu da’da weyn deegaanka ee hortayda fadhiyaa inay wgoobta yimaadaan oo wax ka bartaan.”ayuu yidhi
Guddoomiyaha Ururka DASDO waxa uu hoosta ka xariiqay qiimaha haweenku kaga jiraan nolosha iyo siday uga qatanyihiin waxbarashada, “Haweenku waa kuwo nolosha aynu haysano iyo qiimaheedaba hormood u ah, waxaanan kula talin lahaa inay libintaas raaciyaan wakhti yar oo ka mid ah wakhtigooda inay xaruntan yimaadaan oo wax bartaan.”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil.
Waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, “Waxaannu sammaynay heshiis shan sanno ah oo aanu wada galnay wasaaradda waxbarashada, ciyaaraha iyo anaga oo annaga shan sanno maamulkeeda naloogu wareejiyay.”
Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse oo Cabdi, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dhismaha xarunta wakhti badan ku baxay hirgelinteeda, dedaal badan ka dibna lagu guulaystay maanta furitaankeeda, “Waxaan u rajaynayaa ururka dhallinyaraddu inay si wacan hawshooda u gutaan, annaguna maamul ahaan waanu la shaqaynayaa, waxaanan rajaynayaa inay ka soo baxaan dad ka turjuma midhihii loo aas-aasay iyo in kor loo qaado oo dadka deegaanku la shaqeeyaan.”
Guddoomiyaha Degmadu waxa uu ka codsaday Hay’adda UNICEF inay wax kala qabato baahiyo badan oo ka jira deegaanka, gaar ahaan biyaha oo dhibaato ka haysato, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Baahiyo badan baa ka jira deegaanka Laasgeel, biyo macaan ma jiraan, ma jiro kayd biyood.
Illaa toban kun oo qoys baa degan, biyo nadiif ahna ma haystan, markaa waxaannu ka codsanayaa Unicef inay indhahooda ku arkaan oo wax nagala qabtaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Laasgeel.
Madaxa Hay’adda Unicef ee Somaliland Miss Ettie Higgins oo halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in xaruntani qayb ka tahay shan xarummood oo hay’adoodu ka hirgelisay Somaliland, loona dhammaystiray qallabkii ay u baahnayd, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi, “Xaruntan waxa iska kaashaday wasaaradda dhallinyaradad iyo ciyaaraha, wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF, markaa waxay ka mid tahay shan xarummood oo dhallinyarada loo sammeeyay sanadihii 2010 2011 iyadoo dhaqaale ka heshay dawladda Japan, xaruntan waxaannu u sammaynay qalabkii ay u baahnayd.”
Miss Ettie Higgins waxay ka hadashay ujeedada laga leeyahay dhismaha xaruntan, “Ujeedada laga leeyahay xaruintan waxa weeye dhallinyaraddu inay ka helaan waxbarasho, madadaalo iyo ciyaaro, markaa xarunta waxa iska leh Somalilamd, waxaana gacanta ku haynaya uruka Dangarad oo laysla gartay masuuliyadda inay qaataan. Waxay xarun u noqon doontaa hawlgalo ay dhallinyarada Dacar-budhuq ka heli doonaan horumarin, waxbarasho iyo horumarinta iyo wax-qada qabsiga bulshada.” Ayay tidhi Madaxa Hay’adda Unicef ee Somaliland Miss Ettie Higgins.
Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan, ayaa u mahadceliyay uruka dhallinyaradda Dangarad oo uu sheegay inay u heelanyihiin horumarinta addeegyada bulshada, waxaannu yidhi, “Farxad weyn bay ii tahay furitaanka xaruntan, waxaan mahad gaara u celinayaa Unicef, Wasaaradda Waxbarashada Waxaan u mahadcelinayaa ururka dhallinyaradda Dangarad ee deegaankan ka soo jeeda oo mashaariic badan oo ay ka mid yihiin caafimaad iyo waxbarasho ka hirgeliyay deegaanka.”
Rooda Ibraahin Aadan oo ka mid ah uruka DASTO, ayaa ku dhiirigelisay hooyooyinka iyo dhallinyarada deegaanku inay ka faa’iidaystaan waxbarashada xaruntu u fidin doonto, “Qofka inaad maalin walba kalluun siiso waxa ka wanaagsan inaad barto sida loo kalluumaysto, waxbarashaduna yaraan iyo waynaan toona ma leh.”
Cabdillaahi Abokor oo ka mid ah Guddida Qandaraasyada Qaranka, kana soo jeeda deegaanka Laasgeel, ayaa madasha ka ballanqaaday inay bixin doonaan kharashka laba macalin oo wax ka dhidi doona xarunta cusub.
Berberamews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com