Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Ururkaas Maxamed-rashiid Muxumed Faarax iyo Garyaqaanka Ururka Maxamuud Cabdiraxmaan X. Nuur, ayaa markii la soo daayey ka dib Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa waxay Xukuumadda talada haysa ku eedeeyeen inay bilawday cabbudhin, xadihig iyo caga-juglayn ay kula kacayso Suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland, iyaga oo cambaareeyey qaabka ay Warbaahinta ula dhaqmayso dawladdu.
“Weli Guddoomiye Urur Suxufiyiin ah oo la xidhay intaynu joognay Somaliland maynaan arag, kii Suxufiyiinta la xidho u dooddi lahaa ee soo dayn lahaa weeye, immikana isagii baa la xidhayaa. Annagu waxaannu cambaaraynaynaa xadhigga Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somalialnd ee SOLJA Xasan Maxamed Yusuf iyo tacaddiga isa soo taraaya ee Suxufiyiinta lagula kacayo maalin kasta, maantana waxaabay maraysaa in la yidhaahdo Suxufiyiinta wax su’aalo ah ma weydiin karaan Madaxweynaha..” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ugu horreyn isagu shirkaa jaraa’id ka hadlay.
Waxaanu Xoghayaha SOLJA inta raaciyey oo yidhi; “Xasan Maxamed Yuusuf wuxuu madax u yahay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ku bahoobeen ee SOLJA, waaka u dooda xuquuqda Suxufiyiinta, waxay ku eedaynayaan wuxuu imman waayey Maxkamadda oo kiis uga socday arrintaasna waxba kama jiraan oo waakan Garyaqaankiisii waxaannu u aragnaa marmarsiiyo waxa weeye Saxaafadda cabb udhinteedii iyo xadhiggeedii ayey bilawday Xukuumaddan Madaxweyne Axmed-Silaayo, way isoo taraysaa maalinba maalinta ka danbaysa.”
La-Taliyaha dhinaca sharciga u qaabbilsan Ururka SOLJA Garyaqaan Maxamud Cabdiraxmaan Xaaji Nuur, oo sheegan marxaladda ay Weriyayaasha ka shaqeeya hay’adaha warbaahinta Somaliland tahay mid aad u adag marka laga eego dhinacyada dhaqaalaha, helidda wararka, aragtida bulshada oo badi aan weli u bislaan dimuquraaddiyadda iyo Maamulka talada haya oo culaysyo badan oo kala duwan ku haya Saxaafadda iyo Suxufiyiinta. “War kasta oo Weriyuhu siiddaayo cid baa necbaysanaysa qofka uu doona ha ahaadee. Xaqa uu leeyahay Weriyuhu ee Dastuuriga ahi waa lama-taabtaan oo Dastuurka sharci ka sarreeyaa ma jiro, Dastuurkuna xuquuqda ugu sarraysa ayuu siiyay Weriyaha.” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaana Maxamuud Cabdiraxmaan.
Garyaqaanku waxa uu ka hadlay waxa keenay Dacwad loo haysto Guddoomiyaha SOLJA, cidda ku soo oogtay iyo waxay kaga jawaabeen, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa xadhigga maanta (shalay) dhacay iyo dacwaddaas intii sharcigu iiga oggal yahay uga sheego Warbaahinta, waxa dacwaddaas soo qoray Wasiirka Madaxtooyada, hase-yeeshee Wasiirku wuxuu soo qoray warqad uu leeyahay ma haleelaayo Maxkamadda inaan immaaddo, umma aragno mid sharciya. Sidaa darteed, waxaannu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinay dacwad dastuuriya Maxkamadduna way naga qabatay, markaas waxaannu jawaabta uga fadhinaa Maxkamadda in la muddeeyo.” Waxaanu Garyaqaan Maxamuud intaa ku daray; “Xafiiska Xeer-ilaalinta waxaanu ku haysannaa oo dacwaddaas dastuuriga ah ku qornay tacaddiyada ka dhacaaya Awdal illaa Lascanood ee ka dhanka ah Suxufiyiinta, waxaannu doonaynaa inuu Xafiiska Xeer-ilaalintu ka jawaabo.”
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha loo haysto, waxaanu yidhi; “Haddii aan arrintan wax ka iftiimiyo waxay soo bilaamatay qoraal ku soo baxay Wargeys la odhan jiray Hargeisa-Star, waxaan xilligaas ka ahaa Tifaftire, waana sannadkii hore daba yaaqadisii. Aniga oo xanuun ugu maqan dalka Jabuuti ayuu war ku soo baxay, warkaas waa warka dacwadan keenay, anigu Maxkamadda qoraal baan u gudbiyay oo waxaan ugu sheegay inaanan wakhtigaas joogin oo ciddii joogtay lagala xisaabtamo qoraalkaas Wargeyska ku soo baxay.”
“Waa la iska dhigay dacwadaas haddana immika ayaa aniga dacwaddii dib la iigu bilaabay, waxaanay dacwaddani ka socotaa Wasiirka Madaxtooyada, markaa waxaannu Garsooraha Maxkamadda ka codsannay ciddii nagu muddici ahi inay timaaddo Maxkamadda oo maalin walba Maxkamadda iyadoo la iiga yeedhayo haddana aanan weli arag ciddii igu muddiciga ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.