Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey oo noqday sarkaalkii ugu sarreeyay Qarammada Midoobay ee booqday Muqdisho



 
Muqdisho, December 09, 2011 (Berberanews) – Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa booqasho taariikhiya ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka dagaalladu ragaadiyeen ee Somalia.
Booqashada Ban Ki-moon oo noqonaysa tii ugu horraysay ee masuul ka socda qarammada Midoonbay oo xilkaa hayaa ku tago Muqdisho, ayaa waxa Madaarka Muqdisho ku soo dhaweeyay  Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, ra’iisul wasaarihiisa, Cabdiweli Gaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, waxaana la joojiyay gebi ahaanba duulimaadyada rayidka ah ee garroonka.
 
Gaadiidka gaashaaman ee ciidammada AMISOM, ayaa la wareegay ammaanka Xoghayaha guud iyo weftigiisa, Jidadka waaweyn ee Muqdisho ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, iyadoo meelaha qaarkood la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
 
Magaalada Muqdisho oo in badan gacan-ku-haynteeda ay ku taamayeen Xarakada Al-shababaab, ayaa lixdii billood ee u danbeeyay waxa ku yimi isbedel, ka dib markii ciidammada taagta daran ee Somalia oo gacan ka helaya AMISOM ka awood roonaadeen Al-shabaab ay inta badan la wareegeen magaalada, taasoo u suurtagelisay madax dawladaha adduunka ka socdaa inay ku soo dhiiradaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
 
Berberanews.com
Muqdisho