Xulka gobolka Hawd oo u soo Baxay Quater-Finalka, ka dib markii ay afar gool ugu Quus gooyeen Togdheer

Burco,09,Dec,2011-(Berberanews)-Ciyaar aad iyo aad u xamaasad badan ayaa galabta ku dhex martay Garoonka Alamse Stadium ee Magaalada Burco  Kooxaha Gobolka Togdheer iyo Gobolka Hawd halkaasi oo Ciyaartu ku dhamaatay Afar Gool iyo Hal Gool  Guushu ku Raacday Gobolka Hawd.

Labada Kooxoodba waxay halkaasi ku soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u quruxban haseyeeshee qaytii labaad ee ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Hawd  la yimaadeen dardar culus halkaasi oo ay kaba raad qaadi waayeen duleedka Goolka Gobolka Togdheer una suuro galisay in ay Togdheer halkaas ugu quus gooyaan Afargool iyo Hal Gool.

Daqiiqadii ugu Danbeeyey ee Ciyaarta  ayaa Ciyaaryahanka G.Togdheer u Sita Numberka 10-naad waxaa la siiyey Kaadhka Cas kadib markii uu Xanaa-qadeeyey Ciyaaryahan ka tirsan G.Hawd.

Gobolka Togdheer ayaa Halkaasi Kaga hadhay Koobka Gobolada somaliland iyagoon kasoo gudbin Wareega Saddexaad ee Koobka, balse Xulkan G.Togdheer ayaa isagu ahaa Xulka haysta Horyaalkii Gobolada Somaliland ee ugu danbeeyey imikana noqday Xulkii loogu hor reebay Koobka Gobolada somaliland.

G.Hawd ayaa isagu Ku soo baxay Kaalinta koowaad ee Quater finalka, balse waa sanadkii ugu horeeyey ee uu G.Hawd ka soo qayb galo Koobka Gobolada Somaliland.

waxaa naga xasuusin ah kooxaha kale ee labadan kooxood ay ku wada jiraan group A ayaa waxay kala yihiin Xulka Gobolka Sanaag iyo Xulka Gobolka Maroodi-jeex oo iyana la filayo in ay ciyaaraan Wareegoodii Saddexaad Maalinta Axada ee wiigan soo socda, iyagoo labada kooxoodba ay kal haystaa:

G: Sanaag halk Hal-dhibic

G: Maroodi-jeex Afar Dhibcood